Home Dhacdooyin Dad ka soo jeeda qowmiyadda Oromada oo lagu laayay Degmada Beledxaawo

Dad ka soo jeeda qowmiyadda Oromada oo lagu laayay Degmada Beledxaawo

by Laacib

Ugu yaraan lix qof oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu dilay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Dabley aan heybtooda la garanayn ayaa dadkaasi ku weerartay hoygii ay ka deganaayeen degmadaasi, iyadoona ay sidoo kale dhaawaceen lix kale oo dadka Oromada ah.

Wararka ayaa sheegaya in dableydaasi uu intii weerarku socday ay dileen haweeney Soomaali ah.

Dadka la dilay iyo kuwa kale ee dhaawaca ah ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee Degmada Beledxaawo.

Maamulka isbitaalka ayaa xaqiijiyay in dadka Oromada ah ee la dilay ay saddex ka mid ah yihiin haween.

Cabdirashiid Cabdi Caroog, Gudoomiyaha Degmada Beledxaawo ayaa sheegay in ay wadaan hawlgal lagu baadigoobayo kuwii ka masuulka ahaa weerarka lagu laayay dadkaasi.

Ma cadda cidda ka dambeysay weerarkaasi, inkastoo ay dadka deegaanka qaarkood la xiriirinayaan maleeshiyada Al Shabaab, walow aysan Shabaabku weli sheegan masuuliyadda weerarkaasi.

Dadka Oromada oo muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay degmadaasi ayaa waxay qaarkood ka shaqeystaan inta u dhaxeysa Beledxaawo iyo Mandhera.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc