Home Wararka Maanta Dad ku dhintay daadad ku soo rogmaday Degmada Ceelwaaq

Dad ku dhintay daadad ku soo rogmaday Degmada Ceelwaaq

by Laacib

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay daadad ku soo rogmaday Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Daadadkan ayaa ka dhashay roobab xoogan oo maalmihii ugu dambeysay ka da’ayay qaybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo.

Dadka ku dhintay daadadka Ceelwaaq ayaa lagu kala sheegay laba gabdho oo 14 jir ahaa iyo wiil kale oo 18 jir ahaa, iyadoo toddobaadkii hore uu wiil yar ugu geeriyooday daadadka halkaasi ka jira.

Wararka ayaa sheegaya in daadadku ay si weyn u saameeyeen dadka rayidka ah ee ku dhaqan Degmooyinka Ceelwaaq, Baardheere, Buurdhuubo, Garbahaarey, Doolow iyo Luuq.

Degmada Baardheere oo kale waxaa la sheegay in meelo badan oo degmadaasi ka mid ah looga barakacay fatahaado ka dhashay wadiyada mara darafyada magaalada oo sida la sheegay ku soo rogmaday.

Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Jubbaland ayaa sheegay in sidoo kale ay daadadku saameeyeen qaybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose, sida Degmooyinka Dhoobley, Afmadow illaa waqooyiga Kismaayo, isla-markaana uu Webiga Jubba ku fatahay beeraha ku yaala duleedka Degmada Jamaame.

Wasiir Kuxigeenka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Jubbaland, Maxamed Cismaan Jaamac (Jeemis) ayaa sheegay in webigu uu fatahaado ka gaysanayo qaybo ka mida saddexda gobolka ee Jubbaland.

Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa ku baaqay in gargaar degdeg ahi la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira deegaanada Jubbaland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc