Home Wararka Caalamka Dad u badan kuwo isku qoys ahaa oo lagu laayay Marinka Gaza

Dad u badan kuwo isku qoys ahaa oo lagu laayay Marinka Gaza

by Laacib

In ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo u badan daraasiin dad oo isku qoys ahaa ayaa lagu dilay duqaymo xoogan oo Israel ay Sabtidii ka gaysatay Marinka Gaza.

Shaqaalaha caafimaadka, kooxaha samatabixinta iyo dhakhaatiirta isbitaalada ayaa sheegay in dadkan la dilay, ka dib markii ay Ciidamada Israel bartilmaameedsadeen laba dhisme oo dad rayid ah ay deganaayeen.

Jimcihii ayay ahayd, markii Ciidamada Israel ay burburiyeen laba dhisme kale oo ay deganaayeen dad fara-badan, halkaasna ay ku dileen 76 qof oo rayid ahaa.

Dadka duqayntaasi lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah Issam Al-Mughrabi, oo ahaa ruug-caddaa u shaqaynayay Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey, xaaskiisa iyo 5 carruur ah oo ay dhaleen.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Rayidka ee Marinka Gaza, Mahmoud Bassal ayaa sheegay in weerarada guryaha la burburiyay ay noqonayaan kuwoodii ugu khasaaraha badnaa ee shacabka ka soo gaara guryo la degan yahay.

Achim Steiner, Madaxa Hay’adda UNDP oo walaac xoog leh ka muujiyay duqaymaha baahsan ee ka socdo Gaza ayaa ku baaqay in colaadda la soo afjaro.

“Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo dadka rayidka ah ee Gaza ma ahan in la bartilmaameedsado. Dagaalkani waa in uu dhammaadaa.” Ayuu yiri Achim Steiner.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xalay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 201 qof, oo dhammaantood dad shacab ahaa.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo wada hadal dheer oo khadka teleefanka ah la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa kala hadlay xaaladda Gaza.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay inaanu Raysal Wasaaraha ka codsan in dagaalka la joojiyo, isagoona yiri “Kama codsan xabad joojin.”

Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Raysal Wasaaruhu uu Mareykanka u caddeeyay in Israel ay sii wadi doonto duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta ay ka gaareyso hadafkeeda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc