Home Wararka Caalamka Dadka rayidka ah ee lagu laayay Gaza oo tiradooda ay gaartay 32,000 oo qof

Dadka rayidka ah ee lagu laayay Gaza oo tiradooda ay gaartay 32,000 oo qof

by Laacib

Tirada shacabka Falastiiniyiinta ee ku baxay gacanta Ciidamada Israel ee weerarada ka wada Marinka Gaza ayaa gaartay ku dhawaad 32,000 oo qof.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay inay si xowli ah u kordheyso dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Wasaaradda ayaa bayaan ay gelinkii dambe ee Khamiistii soo saartay ku sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 65 qof, 92 kalena ay dhaawaceen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tani ay wadarta guud ee dhimashada ka dhigeyso 31,988 qof, halka dhaawacana ay ku sheegtay 74,188 kale.

Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku sheegtay inay rumeysan yihiin in dhimashadu ay aad uga badan tahay xogta ay diiwaangeliyeen, maadaama la la’yahay qiyaastii 8,000 oo qof, kuwaa oo loo maleynayo inay ku hoos jiraan amaba ay ku dhinteen burburka dhismayaasha.

Ciidamada Israel ayaa weerar cir, dhul iyo badba ku qaaday Marinka Gaza, ka dib weerarkii Xoogaga Xamaas ay 7-dii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa marar badan ku celceliyay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta ay hadafkooda ka gaarayaan dagaalka, oo uu ku kala sheegay ciribtirka Xamaas, soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza iyo hubinta inaanay Gaza mustaqbalka khatar amni ku ahayn Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc