Home Dhacdooyin Dadka reer Puntland Puntland oo u dareeray Doorashada Goleyaasha Deegaanka (SAWIRRO)

Dadka reer Puntland Puntland oo u dareeray Doorashada Goleyaasha Deegaanka (SAWIRRO)

by Laacib

Shacabka reer Puntland ayaa saaka u dareeray Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka oo ka dhaceysa soddon ka mid ah degmooyinka Puntland.

Shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi ee codkooda dhiibanaya ayaa ka codeyn kara in ka badan 395 goobood oo loo diyaariyay, sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Doorashada oo 6-dii subaxnimo ee saaka ka bilaabatay degmooyinkaasi ayaa waxaa ku tartamaya xubno ka sharaxan toddobo Urur Siyaasiyadeed oo ka diiwaangishan Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa codbixiyeyaasha ugu baaqay “Waxaan ugu baaqaynaa dadweynaha ku dhaqan soddonka degmo ee doorashadu ka dhaceyso inay dulqaad muujiyaan, inay safafka istaagaan, inay is ixtiraamaan iyo inaanay iyagu shaqada adkeynin, hadday is riixriixaan, qofna aanu qofka kale ka hormarin.”

Guddiga Doorashooyinka ayaa hakiyay doorashooyinka saddex ka mid ah Degmooyinka Gobolka Nugaal, xaalad amni awgeed. Degmooyinkaasi ayaa kala ah Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Dhanka kale Taliska Booliska Puntland ayaa 6-dii fiidnimo ee xalay joojiyay isu socodka gaadiidka ee Gobolada Puntland, iyadoona aanay gaadiidleydu shaqayn karin, illaa 6-da subaxnimo ee Jimcaha.

Taliska ayaa shacabka reer Puntland ku wargeliyay in la joojiyay isu socodka gaadiidka isaga kala goosha Gobolada Puntland, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa kale ee dadweynaha ee ka shaqeeya magaalooyinka.

Ciidanka Booliska Puntland oo ka masuul ah Amniga Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ayaa ku sugan dhammaanba goobaha codbixinta ee loo asteeyay in dadku ay codkoodu ka dhiibtaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc