Home Wararka Caalamka Dadka reer Yemen oo is garabtaagay weerarada Xoogaga Xuuthiyiinta ee Badda Cas

Dadka reer Yemen oo is garabtaagay weerarada Xoogaga Xuuthiyiinta ee Badda Cas

by Laacib

Laba milyan oo qof ayaa Salaaddii Jimcaha ka dib socod ku soo maray waddooyinka Caasimadda Sanca, iyadoona bannaanbaxa lagu taageerayay hawlgalka militari ee ay Xuuthiyiintu ka wadaan Badda Cas, laguna beegsanayo maraakiibta ku sii jeeda Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee Israel laga leeyahay.

Dibadbaxayaasha qaarkood ayaa ka kala yimid deegaanada ku dhow dhow Magaalada Sanca, si looga jawaabo baaqii Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ee habeen hore uu ku sheegayay in dadku ay Jimcaha isugu soo baxaan dibadbax lagu garab istaagayo dadka reer Gaza.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in dibadbaxa Sanca ay ka qayb qaateen laba milyan oo Yemeniyiin ah.

“Laba milyan oo qof oo dadka reer Yemen ah ayaa ka qaybgalay isu soo bixii socodka dhiigga ee dadka xorta ah.” Ayaa lagu yiri war ka baxay telefishinka.

Dibadbaxayaasha ayaa kolkii dambe isugu yimid Fagaaraha Al-Sabeen. Muuqaalada laga soo qaaday fagaarahaasi ayaa muujinaya tiro aad u badan oo dadkii isu soo baxaasi ka qaybgalay ah.

Saraakiil ka tirsan Xuuthiyiinta ayaa halkaasi kula hadlay dibadbaxayaasha, iyagoona uga mahadceliyay taageeradooda ku aaddan in la sii wado weerarada maraakiibta Badda Cas ee lagu difaacayo qaddiyadda Falastiiniyiinta.

Bayaan ka soo baxay Xuuthiyiinta oo halkaasi laga akhriyay ayaa lagu sheegay in Xoogaga Xuuthiyiinta ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Mareykanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xuuthiyiintu ay u aargudi doonaan 10-kii askari ee ka midka ahaa ciidamadooda ee Mareykanka uu Axaddii ku dilay Badda Cas, xilli ay hawlgal ka wadeen.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu cambaareeyay dilkii Israel ay Talaadadii u gaysatay Kuxigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Ururka Xamaas, Saleh al-Arouri, kaas iyo lix xubnood oo kale oo lagu dilay duqayn ka dhacday dalka Lubnaan.

Xuuthiyiinta ayaa dalalka Carabta ugu baaqay inaysan iibsan badeecadaha Israel iyo Mareykanka, si ay ciqaab ugu noqoto xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc