Home Wararka Caalamka Dadkii soo barakacay oo si khasab ah looga saaray Isbitaalka Al-Shifa

Dadkii soo barakacay oo si khasab ah looga saaray Isbitaalka Al-Shifa

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa ku amray dhakhaatiirta, bukaanada iyo dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Isbitaalka Al-Shifa ee Marinka Gaza in ay banneeyaan isbitaalkaasi.

Isbitaalkan oo ay ka hawlgalaan illaa 500 oo dhakhaatiir ah ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay lagu la tacaalayay xaaladda illaa 600 oo qof, kuwaa oo ay ku jiraan dad dhaawacyo culus qaba iyo weliba carruur dhicis ah, inkastoo maalmihii la soo dhaafay ay isbitaalkaasi soo food-saartay shidaal la’aan, dawooyinkii oo ka dhammaaday iyo biyihii oo laga jaray. Waxaa xusid mudan in dad illaa 6,000 oo qof gaaraya ay deegaan ka dhigteen isbitaalka, ka dib markii guryahooda ay ku burbureen duqaymaha Israel ka waddo waqooyiga Gaza.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay maanta qori caaradii dad fara-badan uga saareen isbitaalkaasi, waxaana la arkayay dadkii ku soo barakacay oo dibadda uga baxaya isbitaalka ugu weyn ee Marinka Gaza, iyagoo lugeynaya.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in isbitaalka oo dhowr maalmood ay go’doomiyeen Ciidamada Israel uu hadda yahay mid cidlo ah, saacado ka dib markii ay askartu amreen dadku inay ka baxaan halkaasi.

Nin dhakhtar ah oo ku sugan isbitaalka ayaa Al Jazeera u sheegay in abaarihii 9-ka subaxnimo lagu amray in hal saac ay uga baxaan isbitaalka, balse ay u sheegeen inaysan suurtagal ahayn, maadaama aysan haysan ambalaas ama gaadiid lagu daadgureeyo bukaanada.

Taliska Militarga Israel ayaa beeniyay in barakacayaasha ay si khasab ah uga saareen isbitaalkaasi, balse ay ka jawaabayeen codsi uga yimid Madaxa Isbitaalka Al-Shifa, Muhammad Abu Salmiya, kaas oo ay sheegeen inuu ka dalbaday in dadka rayidka ah ay helaan marino nabdoon oo isbitaalkaasi ay uga baxaan.

Mohammed Zaqout, Agaasimaha Guud ee isbitaalada Gaza ayaa warka Militariga Israel ku tilmaamay mid been abuur ah.

“Waxaan si cad u beeninaynaa warka been abuurka ah ee ka yimid Ciidamada Israel, waxaana idiin sheegaynaa in qori caaradii na loogu khasbay in aan isbitaalka ka baxno.” Ayuu yiri Mohammed Zaqout.

“Isbitaalka Al-Shifa wuxuu isu bedelay xero ciidan, xero dadka su’aalo lagu weydiiyo iyo xabaal wadareed.” Ayuu sii raaciyay Zaqout.

Osama Hamdan oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa waxa ka dhacay Isbitaalka Al-Shifa ku sheegay mid qayb ka ah dembiyada Israel ee ka dhanka ah sida uu yiri Falastiiniyiinta.

Wasiirka Caafimaadka Falastiiniyiinta, Mai Al-Kaila ayaa hay’adaha caalamiga ah ka codsatay in carruurta dhiciska ah ee Isbitaalka Al-Shifa ay u wareejiyaan isbitaalada kale ee ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto amaba dalka Masar.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc