Home Wararka Caalamka Dadweynaha Turkiga oo u dareeray doorashada madaxtinimada ee dalkaasi

Dadweynaha Turkiga oo u dareeray doorashada madaxtinimada ee dalkaasi

by Laacib

Dadweynaha dalka Turkiga ayaa maanta soo dooranaya Madaxweynaha xigga ee dalkaasi, ka dib markii wareeggii hore ee doorashada aanu musharaxna helin codadkii loo baahnaa.

Wareeggii hore ee doorashada oo la qabtay 14-kii bishan ayuu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu helay 49.5%, iyadoo musharaxa ugu weyn mucaaradka Kemal Kilicdaroglu uu helay 44.8%, halka Sinan Ogan uu isna helay 5.2%. Tani ayaana keentay in Ogan uu ka haro tartanka doorashada.

Wareegga labaad ee doorashadan ku celiska ah ayaa go’aamin doonta, haddii Madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogayo iyo haddii uu dalku yeelanayo hoggaan cusub.

In ka badan 64 milyan oo qof ayaa haysta kaararka codbixinta, waana kuwa go’aanka ka gaaraya cidda xukumeysa dalkaasi, 5-sano ee soo socota.

Madaxweyne Erdogan ayaa toddobaadkan taageero ka helay musharaxa tartanka isaga haray ee Sinan Ogan, kaas oo si weyn u taageeray ololihiisa dib u doorashada.

Rajada Madaxweyne Erdogan ayaa ah mid aad u sarreyso, xilli Xisbigiisa AK Parti uu 14-kii bishan ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Erdogan ayaa shacabka Turkiga ugu baaqay inay dib u soo doortaan, si buu yiri uu Turkigu u yeesho dowlad iyo baarlamaan hal xisbi ah oo wada shaqeynaya.

Xeeldheereyaasha ayaa sheegaya in mar kasta ay wanaagsan tahay in xisbi qura uu dalku maamula, si dalka looga badbaadiyo kala qaybsanaan siyaasadeed.

Musharax kasta ayaa u bahan boqolkiiba kow iyo konton (51%) codadkii la dhiibtay, si uu u guuleysto.

Erdogan oo labaatankii sano ee la soo dhaafay ka arriminayay dalkaasi ayaa doonaya inuu xafiiska sii joogo, si uu dalkaasi ugu sii hoggaamiyo siyaasaddiisii uu jihada cusub ugu jiheynayay Turkiga oo barwaaqo ah, xorna ka ah Mareykanka iyo Reer Galbeedka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc