Home Dhacdooyin Dadweyne careysan oo ku sigtay inay xoog ku galaan Safaaradda Israel ee Mexico (SAWIRRO)

Dadweyne careysan oo ku sigtay inay xoog ku galaan Safaaradda Israel ee Mexico (SAWIRRO)

by Laacib

Dadweynaha ka careysan duulaanka Israel ee Marinka Gaza iyo dadka faraha badan ee ku dhimanaya ayaa isugu soo baxay afaafka hore Xarunta Safaaradda Israel ee Magaalada Mexico City.

Dadweynahan oo gelinkii dambe ee Talaadadii soo buuxiyay afaafka hore ee Safaaradda ayaa ku qaylinayay (Falastiin ha xarowdo), waxayna wateen Calanka Falastiin iyo cimaamadda astaanta u ah shacabka Falastiiniyiinta. Inkastoo cimaamadda Keffiyeh ay tahay mid dhaqan iyo astaan siyaasadeed oo Falastiiniyiinta ay leeyihiin, haddana waxaa loo arkaa mid u taagan halgan iyo iska caabin.

Bannaanbaxayaasha reer Mexico ayay markii dambe isku dhaceen ciidamada amniga, iyadoona illaa xalay ay rabshaduhu hareeyeen xeendaabka Safaaradda.

Isku dhacoodan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ciidanka Booliska ee rabshadaha ka hortagga ay biro ku xireen waddadii ay ku socdeen oo gasha Dhismaha Safaaradda Israel ee ku taala xaafadda Lomas de Chapultepec ee magaaladaasi.

Ciidamada ay dowladda soo dhoobtay halkaasi ayaa la arkayay, iyagoo adeegsanaya sunta dadka kaga ilmeysiisa, si ay u kala eryaan. Dibadbaxayaasha qaarkood oo wejiyada soo duubtay ayaa dhegxaan ku tuurayay ciidamada, sidoo kale waxay dhallooyinka batroolka lagu shubo ee holaca sameeya ay u tuurayeen dhinaca Safaaradda.

Saraakiisha Booliska ayaa mar dambe dadweynaha u sheegay inay si nabdoon ugu hor bannaanbaxaan aagga Safaaradda, isla-markaana ay joojiyaan ficilada rabshadaha wata.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in bannaanbaxayaashu ay ku sigteen inay xoog ku galeen Xarunta Safaaradda, balse ay markii dambe u hoggaansameen awaamiirtii hay’adaha ammaanka.

Dibadbaxayaasha ayaa cambaareeyay ficilada foosha xun ee Israel iyo weerarka ballaaran ee ay ku hayso deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, kuwaa oo sheegay in isku soo baxoodani uu jawaab u yahay weerarkii Israel ay habeenkii Axadda u gaysatay xerada dadka barakacayaasha degan yihiin ee ku taala galbeedka Rafah, ayna ku dhinteen 45 qof oo u badan hooyooyin iyo dhallaankoodii.

Dadka u ololeeya qaddiyadda qaranimada Falastiin oo qayb ka ahaa bannaanbaxayaasha ayaa laga soo xigtay inaysan jirin cid ka sarreysa sharciga, ayna tahay inay Israel u hoggaansanto.

Warbaahinta maxaliga ayaa warineysa in dibadbaxayaashu ay qalqalgeliyeen, isla-markaana ay walaac ku abuureen Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda Israel.

Bulshada caalamka ayaa ka careysan dhiigga ay Israel, sida joogtada ahi ugu daadineyso Marinka Gaza iyo sida aan loogu ciqaabeynin dembiyada ay gaysaneyso.

Ma jirto cid muuqato oo Israel si dhab ah ugu la xisaabtameysa fal dembiyeedyadeeda, ha yeeshee carrada caalamiga ah ee xoogeysaneysa ayay dadku u arkaan farriin si cad Israel loogu sheegayo cawaaqibka daran ee ay la kulmi karto, haddii aanay waxba ka bedelin habdhaqankeeda khalafsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc