Home Wararka Maanta Dagaal ay askar badani ku dhinteen oo ka dhacay Buurta Gacan Libaax

Dagaal ay askar badani ku dhinteen oo ka dhacay Buurta Gacan Libaax

by Laacib

Xoogaga muddooyinkii dambe isku uruursanayay Buurta Gacan Libaax ee Gobolka Saaxil ayaa maanta waddada u galay gaadiid ay la socdeen Ciidanka Booliska Somaliland.

Xoogagan ayaa ciidamada waddada u galay, xilli ay ku sii jeedeen deegaanka Go’da Yar, sida ay masuuliyiinta xaqiijiyeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa xaqiijiyay in sagaal askari ciidamada looga dilay weerarkaasi, 17 kalena ay kaga dhaawacantay.

“Ciidan boolis ah oo 30 illaa 35 nin ah oo Go’da Yar u socda ayay dhexda u galeen, ciidankuna waxba kamuu ogayn, iyagoo xoogan oo tiro xoogan ah ayay dhexda u galeen. Ciidankii oo iska baraad la’ ayay laayeen, sagaal askari bay dileen, toddobo iyo toban askarina way dhaawaceen.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegaya in hadda ka dib ay ciidamadu amar u haystaan in ay tallaabo ka qaadaan kooxdaasi, isagoo dhanka kalena shacabka ka codsaday inay ciidamada kala shaqeeyaan arrimaha amniga.

“Laga bilaabo iminka Ciidanka Boolisku wuxuu amar u qabaa inuu nimankaa tallaabada ku habboon ka qaado.” Ayuu yiri Taliye Dabagale oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa Musharaxa Xisbiga Mucaaradka Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku eedeeyay in uu ka masuul yahay jabhadda ka dilaacday Buurta Gacan Libaax.

“Ayaan darrada jirta waxay tahay, annagoo ku faanayno nabadgelyada Somaliland in Cabdiraxmaan iyo Xisbiga Waddani mar walba ay muujinayaan nabadgelyo darrada, inkaaraha iyo masaa’iibta aynaan garanaynin, laakiin iyaga indhahoodu ay arkaan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo ka barbar hadlayay General Dabagale ayaa xusay in dadka hoggaaminaya jabhadda ay yihiin dad sida uu sheegay joogay guriga Cabdiraxmaan Cirro.

Jabhadda Buurta Gacan Libaax ayaa Arbacadii laba gaari oo ay leedahay Hay’adda Miino Baarista ee The Halo Trust ka kaxeystay Magaalada Dabagorayaale ee Gobolka Daadmadheedh.

Jabhaddan ayaa la aaminsan yahay in ay ka biyo diidan tahay go’aankii dhawaan ay Guddiga Doorashooyinka Somaliland ku sheegeen in la horqaban doono Doorashada Ururada Siyaasadda, oo sida ay sheegeen la qabanayo 28-ka bisha December ee sanadkan, halka tan madaxtooyadana ay ku mudeeyeen inay dhacdo 13-ka bisha November ee sanadka 2024.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc