Home Wararka Maanta Dagaal ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Ceelbarde

Dagaal ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Ceelbarde

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka ay maanta ku dagaalameen degmadaasi.

Dagaalka oo bilowday 1-dii duhurnimo ayaa soo gaaray 4-tii galabnimo ee maanta, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii nin askari ahaa ay askar kale ku dishay bartamaha Ceelbarde, taas oo keentay in ciidamada ay qaab beeleed laba dhinac ugu kala saftaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xabaddu ay si kedis ahayd uga bilaabatay magaalada, xilli ay furnaayeen goobaha ganacsiga, dadkuna ay ka adeeganayeen.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay sagaal qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay, halka in ka badan toban kalena ay ku dhaawacantay. Khasaaraha ayaana ka badan kara inta hadda la ogyahay.

Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa wada dadaalo ay waan-waan uga dhex bilaabayaan labada dhinac, oo weli is horfadhiya qaybo ka mida magaalada.

Dagaalkan ayaa daba socdo, xilli muddooyinkii ugu dambeysay uu Ceelbarde ka taagnaa khilaaf la xiriira dhanka maamulka degmada, ka gadaal markii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay is bedel ku sameysay hoggaankii maamulka degmada.

Ceelbarde oo dhacda xadka Somaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka socday qorshe la doonayay in lagaga bilaabo abaabul ciidan, oo ku aaddan wejiga labaad ee hawlgalka uu ujeedkiisu yahay in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro Degmooyinka Rabdhuure iyo Tiyeeglow ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc