Home Wararka Maanta Dagaal culus iyo duqayn ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose oo Shabaab badan lagu dilay

Dagaal culus iyo duqayn ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose oo Shabaab badan lagu dilay

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus iyo duqayn daba socotay oo Sabtidii ka dhacday deegaanka Labi-kuus, oo qiyaastii 60km dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab oo deegaankaasi lagu diyaarinayay, iyadoona uu dagaalku ahaa mid dhowr jeer la isku soo noqnoday.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka hortaggeen qorshe ay maleeshiyada Al Shabaab ku doonayeen inay ku weeraraan fariisimaha ciidamada ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle.

Afhayeenka Ciidamada Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay inay helayn xogta weerarkii ay Shabaabku qorsheynayeen, isla-markaana ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan.

Afhayeenka ayaa xusay in hawlgalka oo ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanada Janaay Cabdalle iyo Beerxaano ay ciidamada ku dileen Shabaab fara-badan. Waxa uu sheegay in Shabaabku ay ka carareen meydadka laba iyo labaatan nin, isagoona dhankooda sheegay in hal askari kaga dhintay dagaalka, laba kalena ay kaga dhaawacmeen.

Afhayeenka ayaa sheegaya inaanan hadda Shabaabka looga baqdin qabin inay weeraraan saldhigga deegaanka Janaay Cabdalle, haddii la burburiyay Shabaabkii lagu diyaarinayay Labi-kuus.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay qarax la beegsadeen gaari Cabdi Bile ahaa, oo ay la socdeen ciidamada weerarka ku qaaday deegaankaasi, halkaasna ay ku dhinteen shan askari, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in intii uu dagaalku socday ay jirtay duqayn ka dhacday aagaggii ay Shabaabku ka dagaalamayeen, taa oo sahashay in ay firxadaan.

Dhanka kale Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duqaynta la fuliyay, ka dib codsi uga yimid Dowladda Federaalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay saddex iyo toban ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, isla-markaana aanay jirin wax rayid ah oo ku dhintay amaba ku dhaawacmay duqayntaasi.

G/dhexe Maxamed Faarax Daahir, Afhayeenka Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in dalka uu ka bilaabanayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, gulufkuna uu noqon doono mid xiriir ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc