Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay weerar ay maleeshiyada Al Shabaab ku doonayeen in ay kala wareegaan xerada ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sabiid oo hoostagta Degmada Afgooye ayay wararku sheegayaan in maleeshiyada Al Shabaab ay xalay laba jiho ka weerareen deegaankaasi, isla-markaana uu halkaasi labada dhinac ku dhex maray dagaal culus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay jilbaha u laabteen Shabaabkii soo weeraray, isla-markaana ay dib isaga caabiyeen.

Shabaabka ayaa la sheegaya in ay dib ugu laabteen goobihii ay iska soo abaabuleen, weerarkana ay ka soo qaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay saaka si buuxda ugu sugan yihiin deegaanka, Shabaabkuna aysan ku sugneyn.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay u muuqdeen kuwo doonaya in ay ciidamadu ka qabsadaan deegaankaasi, sidii dhowr jeer oo horeba dhacday, inkastoo aysan weerarkan u adeegsan gaadiidka lagu soo raro walxaha qarxa ee ay mararka qaarkood weeraradooda ku bilaabaan.

Dhanka kale cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka ayaa la soo sheegaya in ay hawlgalo ka wadaan tuulooyinka hoostagga deegaankaasi, si Shabaabka looga fogeeyo dhulka ku dhow dhow Ceelshiino, Mayaay, Moordiile, Mareerey iyo Raqayle.

Wararka ayaa sheegaya in ciidan kale oo ka soo dhaqaaqay aagga Afgooye ay gudaha ugu jiraan tuulada Caanoole oo hoostagta Sabiid.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaan weli ka hadlin dagaalkan, mana cadda khasaaraha uu gaystay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc