Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka socda Magaalada Garoowe

Dagaal culus oo ka socda Magaalada Garoowe

by Laacib

Dagaalka ayaa ka socdo bartamaha Magaalada Garoowe, iyadoona uu u dhaxeeyo Ciidamada Puntland iyo ciidamo kale oo ka amar-qaata siyaasiyiinta mucaaradka.

Dagaalka ayaa xoogiisa ka socda aagga Xarunta Baarlamaanka, halkaas oo ay xalay soo deggeen ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Labada dhinac ayaa dagaalka isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ay dagaalka qayb ka yihiin gaadiidka dagaalka.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dagaalku uu kaga sii daray xiisadda, tan iyo xalay ka jirtay Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe.

Wariyeyaasha ayaa sidoo kale soo warinaya in dadka rayidka ay ka baxsanayaan xaafadaha ku dhow dhow Dhismaha Baarlamaanka oo ku yaala aagga barxadda weyn ee Garoowe.

Madaxtooyada Puntland ayaa u muuqato mid dhegaha ka fureysatay baaqii mucaaradka, ee ahaa in la joojiyo qorshaha socda ee ku aaddan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay furaan dastuurka, si wax ka bedel ugu sameeyaan qodobka la xiriira tirada xisbiyada siyaasadda Puntland oo hadda saddex ah, balse ay Madaxtooyadu dooneyso in illaa shan la gaarsiiyo.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa 4-tii bishii May ansixiyay in tirada xisbiyada laga dhigo shan, taas oo muddooyinkanba ay mucaaradka ka biyo diidanaayeen, iyagoona ku sheegay mid uu Madaxweyne Deni ku sii dheereysanayo muddo xileedkiisa, oo haatan ay lix bilood uga harsan tahay.

Dagaalka ayaa imaanaya, ka dib markii ay guuldareysteen dadaaladii ay wadeen Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo ganacsatada deegaanka, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc