Home Wararka Maanta Dagaal culus oo maanta ka socda Magaalada Laascaanood

Dagaal culus oo maanta ka socda Magaalada Laascaanood

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka socdo bariga magaaladaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, iyadoona ay dhinacyadu dagaalka isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa daba socdo madaafiic xoogan oo shalay ay labada dhinac isu weydaarsadeen goobaha ay kaga sugan yihiin magaaladaasi.

Dadka fara ku tiriska ee ku haray magaalada ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay u muuqdaan kuwa aan dagaalka waxba isu reebanaynin.

Cabdisalaan Baashi Cali oo ka mid ah dadka reer Laascaanood ayaa sheegay inay jiraan madaafiic habow ah oo ku soo dhacaya xaafadaha magaalada, inkastoo sida uu qirayba ay kol hore dadkii deganaa isaga barakaceen.

Cabdisalaan Baashi ayaa sheegay inuu arkay tiro guryo ah oo burbur uu ka soo gaaray madaafiicdaasi, isla-markaana aanay jirin inta uu ogyahay cid ku dhimatay amaba ku dhaawacantay.

Ilo wareedyo ayaase sheegaya in ay jiraan dad rayid ah oo ku waxyeeloobay dagaalka culus ee maanta ka socda magaaladaasi, walow aan macluumaad badan laga hayn inta uu khasaaraha rayidku le’egyahay.

Saraakiisha Ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC ayaan weli ka hadlin dagaalka dhowrka saacadood ee xiriirka ah ka soconaya Laascaanood.

Labada dhinac ayaa tan iyo 6-dii bishii February ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood, waxaana dhowr jeer guuldareystay dadaalo lagu doonayay in dhinacyadaasi la isugu soo dhaweeyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc