Home Wararka Maanta Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Gedo

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay ka dhacay deegaanka Gariley ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay Maqrinimadii dhowr jiho ka weerareen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaankaasi.

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in Khamiistii ay xeradaasi ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland. Militariga Kenya oo ka tirsan Hawlgalka ATMIS ayaa banneeyay xeradaasi, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku dhimanayo/yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu dhowr saac oo xiriir ah ka socday xeradaasi iyo guud ahaanba deegaanka Gariley, uuna soo geba-gaboobay caweyskii.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay si weyn isaga caabiyeen weerarkaasi, isla-markaana ay maleeshiyadii Shabaabka ku khasbeen in ay dib u gurtaan.

Aadan Xaashi Maxamuud oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dhacdo.com u sheegay in ciidamadu ay ka hortaggeen in Shabaabku la wareegaan xeradaasi.

Waxa kaloo uu sheegay in Shabaabku ay u muuqdeen kuwo doonayay in ay la wareegaan gacan ku haynta xeradaasi, balse aanay u suurtagelin.

“Waxa aan idin sheegi karo ayaa ah in ciidamada ay nafta duldhigeen xerada, gees walbana ay ka difaaceen, si aysan Al Shabaab uga soo dusin, tii ayaana dhacday.” Ayuu yiri Aadan Xaashi.

Aadan Xaashi ayaa intaasi ku daray “Saddex saac ayuu dagaalku socday, nimankiina mar dambe bay magaalada isaga baxeen.”

Dagaalka ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan wax badan laga ogayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay, waxaana jira tiro askar ah oo dhaawacooda loo qaaday Degmada Ceelwaaq.

Ciidamada degan Xerada Gariley ayaa u badan kuwo ka amar-qaata General Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Gariley oo deegaan istiraatiiji ah ayaa dhaca koonfur Gobolka Gedo, waana deegaan hoostagga Degmada Ceelwaaq, isla-markaana ku dhow xadka Somaliya la wadaagto Kenya.

Waa isku daygii ugu horreyay oo Shabaabku ay ku doonayeen in ay kula wareegaan mid ka mida illaa toddobo saldhig, oo toddobaadkii hore uu Hawlgalka ATMIS ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc