Home Wararka Maanta Dagaal ka dhacay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay

Dagaal ka dhacay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ay laba maleeshiyo beeleed ku dagaalameen degmadaasi.

Maleeshiyadan oo kuwo deegaanka ah ayuu dagaalkooda salka ku hayaa qaab dhismeedka Maamulka Degmada Buurhakaba.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacoodaan uu qalqal amni ka abuuray degmadaasi, isla-markaana ay xiran yihiin goobaha ganacsiga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka u dhaxeeya uu si iskiis ah u istaagay, iyadoo aysan jirin cid kala dhex gashay, taas oo xaaladda ka dhigtay mid kacsan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in maleeshiyadu ay isku horfadhiyaan goobo aan sidaasi u kala fogayn, isla-markaana ay suurtagal tahay in mar kale ay wada dagaalamaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo iska horimaadkaasi uu gaystay.

Inkastoo aan faah faahin laga hayn khasaaraha kala gaaray maleeshiyadaasi, haddana qof dumar ah ayaa la sheegaya in ay ku dhimatay iska horimaadkaasi, halka gabar 2 jir ahaydna ay ku dhaawacantay. Khasaaraha rayidka ayaana ka badan kara inta hadda la ogyahay.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin xiisaddan ka soo cusboonaatay Degmada Buurhakaba.

Degmooyinka qaar ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay isku dhaca beelaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc