Home Wararka Maanta Dagaal xoogan oo ka socda Magaalada Laascaanood

Dagaal xoogan oo ka socda Magaalada Laascaanood

by Laacib

Dagaal xoogan ayaa la soo sheegaya in mar kale maanta uu ka socdo Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga deegaanka ee SSC ayaa ka socdo jiidda bari ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana ay jiraan madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha magaalada, inkastoo inta badan dadka deegaanka ay horaan isaga barakaceen guryahooda.

Dadka ku harsan magaalada ayaa sheegay illaa iyo hadda inaanay jirin rayid wax ku noqday madaafiicdaasi.

Ku dhawaad boqol kun oo qof ayaa la sheegay in ay kol hore isaga barakaceen guryahooda, isla-markaana ay magaaladu u muuqato furin colaadeed.

Dadka ka barakacay magaalada oo qoysas u badnaa ayaa gaaray deegaanada hoostagga magaaladaasi, halkaas oo sida la sheegay ay xaalad bani’aadanimo ku haysato.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka jirtay xaalad hubinti la’aan ah, tan iyo markii dagaalku uu 6-dii bishii February ka qarxay magaaladaasi.

Marar badan ayaa waxaa guuldareystay dadaalo lagu doonayay in waan-waan nabadeed looga dhex bilaabo labada dhinac.

Laascaanood ayaa u muuqato mid ku sii socota khatartii laga digayay ee ahayd in dagaalku uu sii daba dheeraan doono, haddii dhinacyadu aanay si dhab ah u gaarin xabad joojin leesla ogolyahay, colaaddana loogu dhammeen miiska wada hadalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc