Home Wararka Maanta Dagaal xoogan oo ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug

Dagaal xoogan oo ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa maanta weerar ballaaran ku qaaday maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan hawdka deegaanka Shabellow ee Gobolka Mudug.

Dagaalka oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug ayaa la doonaya in maleeshiyada lagaga kiciyo furimaha ay kaga sugan yihiin dhulka hawdka.

Maalin ka hor waxaa duleedka Shabellow lagu soo bandhigay ciidan xoog leh, waana kuwa saaka lagu dhaqaajiyay Shabaabka isku uruursanayay dhulka hawdka ee deegaankaasi.

Wararka laga helayo goobta uu dagaalku ka socdo ayaa sheegaya in dhinacyadu ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa la sheegaya in bartilmaameedyo ka fuliyeen aagagga ay Shabaabku ka dagaalamayaan.

Gulufkan ayaa u muuqdo mid waddo cusub loogu furayo ciidamada ku sii gurguranaya deegaanka Caad, si aanay weerar dhabar jebin ah uga la kulmin mintidiinta.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo ku sugan gobolka ayaa leh doorka hoggaamineed ee dagaalka kooxaha argagixisada lagaga saarayo gobolkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga abaabulka iyo dardargelinta hawlgalka ay tahay in Shabaabka looga sifeeyo Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc