Home Wararka Caalamka Dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israel oo laga digay in weji kale uu yeesho

Dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israel oo laga digay in weji kale uu yeesho

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar kale walaac ka muujiyay rabshadaha dib uga soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel, isagoona ka digay in dagaalku uu ku fido Bariga Dhexe oo idil.

Xoghayaha ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay suurtagalnimada in dagaalku uu ku wada fido gobolka oo dhan.

Xoghayaha ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay ka hortaggaan in dagaalka uu ku baaho dhul hor leh, xilli ay sii kordheyso xiisadda ka dhex taagan Xoogaga Xisbullah ee fadhigoodu yahay dalka Lubnaan iyo Maamulka Israel.

Shacabka ku dhaqan waqooyiga Israel ayaa Arbacadii hoos galay dhismayaasha shubka, ka dib markii la sheegay in gantaalo lagaga soo tuuray koonfurta Lubnaan, taas oo Ciidamada Israel ay madaafiic kaga jawaabeen

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay xiisadda sii kordheysa ee ka jirta xuduudda labada dhinac, oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda Qaramada Midoobey.

Xisbullah ayaa la sheegaya in ay dhaqdhaqaaqyo ka waddo xadka, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu haatan ka qarxo khadka buluugga ee kala qaybiya Lubaan iyo Israel, waana goob ay amnigeeda sugaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.

Xisbullah oo ah urur hubeysan oo Iran ay taageerto ayaa maamula koonfurta Lubnaan, waxaana suurtagal ah in ay si buuxdo ugu biirto kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Israel. Xisbullah oo si toos ah dagaalka ugu biirto ayaana loo arkaa mid weji kale dagaalka u yeeli karta.

Xoghaye Guterres oo Warbaahinta kula hadlayay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayaa dhinacyada ka codsaday in ay ka fogaadaan in colaadda ay saameyso goobaha nabdoon ee Bariga Dhexe.

Xisbullah ayaa bartamihii sanadkii 2006-dii dagaal socday saddex iyo soddon maalmood la gashay Israel, waana dagaalka muujiyay in Xisbullah ay tahay awood ka jirta gobolka.

Dagaalka Israel iyo Xamaas ayaa haddaba saameyn muuqato ku yeeshay Bariga Dhexe, iyadoo dareenka bulshada gobolka uu yahay mid aad u kacsan, marka aad eegto gabood-falada ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc