Home Wararka Caalamka Dagaalka Gaza oo u muuqdo mid hal dhinac u batay

Dagaalka Gaza oo u muuqdo mid hal dhinac u batay

by Laacib

Iyadoo dagaalka uu ka socdo guud ahaanba Magaalada Gaza, haddana Ciidamada Israel ayaa xoogooda isugu geeyay, sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Gaza.

Ciidamada Israel ayaa u muuqdo kuwo hareereynaya Khan Yunis, oo ay tuhunsan yihiin in halkaasi uu ku dhuumaaleysanayo Yahya Sinwar, Gudoomiyaha Ururka Xamaas ugu magacaaban Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay kordhiyeen duqaymaha baahsan ee ay ka gaysanayaan xaafadaha Khan Yunis.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Guutooyinka Kumaandooska ee Maglan, Egoz iyo Duvdevan ay hadda hujuumayaan bartamaha Khan Yunis.

Taliska ayaa sheegay in ciidamadu ay qaybaha Khan Yunis ka sifeynayaan waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada.

Inkastoo Ciidamada Israel ay u muuqdaan kuwo isku ballaarinaya Khan Yunis, haddana goobaha qaarkood ayaa waxay kala kulmayaan iska caabin culus, taas oo aad arkeyso in ay ku riixeyso inay dib uga gurtaan goobo ay si dhib badan ku qabsadeen.

Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam ayaa sheegay inay ku howlan yihiin, sidii ay kaga hortaggi lahaayeen ciidamada isku fidinaya dhanka koonfureed ee magaalada.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa mar sii horreysay sheegay in Israel ay xoojineyso duulaanka dhinaca dhulka ee Khan Yunis.

Khan Yunis oo billihii October iyo November ay ku soo barakaceen dad hal milyan oo qof lagu qiyaasay ayaa mar kale lagu cadaadiyay in ay ka barakacaan halkii markii hore la faray in ay u guuraan. Qoysaska ayaa gaaraya jiidda koonfureed ee Gaza, gaar ahaan deegaanka Rafah, oo xitaa ay duqaymuhu ka socdaan.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar waa meeshii ugu dambeysay ee dadka rayidka ah loo sheegay inay tahay aag nabdoon, balse ay muuqato inaanay ku nabad geli doonin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc