Home Wararka Maanta Dagaalka Gobolka Mudug oo Saraakiil ay ku dhinteen

Dagaalka Gobolka Mudug oo Saraakiil ay ku dhinteen

by Laacib

Dagaalka oo u muuqdo mid aan waxba la isku reebanayn ayaa ka socdo hawdka deegaanka Shabellow ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay saakay weerar ballaaran ku qaadeen aagagga ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin dhulka hawdka.

Bilowgiiba ciidamada ayay u suurtagashay in ay mintidiinta ka saaraan qaybo ka mida goobihii ay kaga sugnaayeen hawdka deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay duhurnimadii maanta soo qaadeen weerar rogaalcelin ah, oo ay dib ugu qabsadeen goobihii laga saaray.

Weerarkan ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen askar iyo masuuliyiin kale oo wax ka hoggaaminayay dagaalka.

Xubno ay ka mid yihiin Korneyl Calinaasir Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiqani Maxamuud Axmed (Afyare) ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ku dhinteen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale dagaalka lagu dilay Gudoomiyihii deegaanka Bajeele, Maxamed Abshir Shuuke.

Dhanka kale ciidamada oo dib isku soo abaabulay ayaa mar kale weerar culus ku ekeeyay dhulka hawdka, si ay uga saaraan kooxaha argagixisada.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in haatan uu labada dhinac dagaal qaraar ku dhex marayo hawdka deegaanka Shabellow.

Sidoo kale waxaa jira gurmadyo ka kala baxay Laas-gacamey, aagga Qaycad iyo Bacaadweyne oo ku sii jeeda jiidda hore, si ay u xoojiyaan safka Ciidamada Qalabka Sida.

Ilo ku dhow dhow masuuliyiinta dagaalka hoggaaminaya ayaa sheegaya inaanay ciidamadu dib uga laaban doonin goobta, illaa iyo inta ay ka kicinayaan cadowga.

Ciidamada saakay weerarka qaaday waa kuwii maalin ka hor lagu soo bandhigay duleedka Shabellow, ee isku dhaarsaday in ay soo afjari doonaan Shabaabka godadka ka qotay dhulka jiqda.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu qaraaraa ee dhinacyadu foodda isku daraan Koonfurta Gobolka Mudug, tan iyo intii uu gobolkaasi ka bilowday hawlgalka militari ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo tan iyo bilowgii bishii September ku sugan gobolka ayaa leh doorka hoggaamineed ee gulufka la doonayo in jiridda loogu siibo Shabaabka ka dagaalama gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc