Home Wararka Caalamka Dagaalka Xamaas iyo Israel oo galay maalintii labaad

Dagaalka Xamaas iyo Israel oo galay maalintii labaad

by Laacib

Dagaal ayaa maalintii labaad laga soo sheegaya in uu ka socdo koonfurta Israel, ka dib markii Xoogaga Xamaas ay weerar lama filaan ah Sabtidii ku qaadeen dhulka ay Israel xoogga ku haysato.

Xoogaga Xamaas oo ka soo tallaabay Marinka Gaza ayaa weerar cir, dhul iyo badba leh ku ekeeyay koonfurta Israel, weerarkaas oo dhabaha u xaaray in dagaal culus uu ka dhex qarxo labada dhinac.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegaya in dagaalo ay Axaddan ka soconayaan aagag ku yaala koonfurta Israel, oo sida ay sheegeen ay ka dagaalamayaan Xamaas.

Taliska ayaa sheegaya in ay ciidamadu wadaan dadaalo ay dib goobahaaasi kaga saarayaan Jihaadiyiinta reer Falastiin. Goobaha uu dagaalku ka socdo ayaa ku dhow xadka Gaza iyo jiidda koonfureed ee Israel.

Xoogaga Xamaas ayaa shalay illaa xalay in ka badan saddex kun oo gantaal ku weeraray magaalooyinka waaweyn ee Israel, oo ay ku jirto Tel Aviv.

Ciidanka Cirka Israel ayaa sii wada bartilmaameedyada ay ka gaysanayaan Marinka Gaza, kaas oo ay si aan kala sooc lahayn ugu beegsanayaan goobaha rayidka degan yihiin iyo meelaha kale ee la tuhmayo in ay ku sugan yihiin Xoogaga Xamaas.

Israel ayaa qiratay in 250 Israeliyiin ah lagu dilay dagaalka, 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen. Israel waxay kaloo sheegtay in ay jiraan Israeliyiin badan oo ay maxaabiis ahaan u kaxeysteen Xoogaga Xamaas.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in duqaynta ku socoto Gaza ay ku dhinteen 256 qof, halka 1,778 kalena ay ku dhaawacmeen. Wasaaraddu waxay sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan 20 carruur ah, kuwa dhaawaca ahna ay ka mid yihiin 121 carruur ah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo Warbaahinta ka soo muuqday ayaa ku goodiyay in Israel ay ka aargudan doonto kuwa soo weeraray.

Netanyahu ayaa sheegay in falcelinta ciidamadiisu ay sii socon doonto, illaa iyo inta laga naafeynayo waxa uu ku sheegay argagixisada.

Netanyahu ayaa intaasi ku daray in Gaza ay ka jarayaan korontada, shidaalka iyo sahayda cuntada, sida uu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in Washington ay si buuxdo u garab taagan tahay Israel, ayna xaq u leedahay in ay is difaacdo.

Dadka reer Israel ayaa la anfariirsan weerarkan ugu dambeeyay, oo shakigeliyay kalsoonidii ay ku qabeen Sirdoonka Mossad, oo lagu tilmaamo mid ka mida sirdoonada ugu awoodda badan ee dunida.

Illaa iyo hadda waxay dad badani isweydiinayaan, sida aanay Mossad ku ogaan weerarkaasi, oo la sheegayo in muddo billo ahi laga shaqeynayay.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadalhaysa weerarkan, oo daaha ka rogay in Israel ay ka liidato, sidii la moodayay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc