Home Wararka Maanta Dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka oo taageeray baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh

Dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka oo taageeray baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh

by Laacib

Dalalka Midowga Afrika ee ay Ciidanka Nabad Ilaalinta ka joogaan Somaliya ayaa taageeray codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ahaa in muddo 90 cisho ah dib loo dhigo qorshaha dhismista ciidamada ee wareegga labaad ee ka bixitaankooda dalka.

Qorshaha ayaa ahaa in Taliska Ciidanka ATMIS uu dhammaadka bishan September dalka ka saaro saddex kun oo askari, taas oo daba socoto qorshaha wejigii hore ee yareyntooda oo daba-yaaqadii bishan June dalka lagaga saaray laba kun oo askari.

Dowladda Federaalka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka codsatay in saddex bilood dib loo dhigo bixitaanka ciidamadaasi, sababo ku aaddan in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku foogan yihiin hawlgalka ballaaran ee ka socda Gobolada Dhexe, taasina aanay ciidamadu u saamaxeynin in ay la wada wareegaan dhammaanba saldhigyada ay banneynayaan Militariga ATMIS.

Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ciidamo ay ka joogaan dalka ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay warbixin ay ugu sheegayaan inay soo dhaweynayaan soo jeedintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Warbixinta ayaa lagu bogaadiyay dadaalada Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ay dalka kaga sifeyso maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska Hawlgalka ATMIS ayaa la filayaa in wareegga xigga ee dhimista tirada ciidamada ka jooga dalka uu sameeyo bisha June ee sanadka soo socda.

Ciidanka ATMIS ayaa Dowladda Federaalka ka taageera hawlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab, inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay aanay wax door muuqdo ah ku lahayn gulufka dagaalka ee Shabaabka lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc