Home Wararka Caalamka Dalalka Bariga Dhexe oo qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda Gaza

Dalalka Bariga Dhexe oo qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda Gaza

by Laacib

Madaxda qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee ka jirta Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay xalay ka gaysatay duqaynteedii ugu darneyd, tan iyo intii ay rabshadahan dib uga soo cusboonaadeen gobolka.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Madaxweynaha ayaa Israel ugu yeeray in ay joojiso duulaankeeda Gaza, isla-markaana ay ka baxdo xaaladda waalida ah, ee sida uu sheegay ay ku sugan tahay.

Madaxweyne ErdoÄŸan ayaa shacabka Turkiga ugu baaqay in ay ka qayb qaataan bannaanbax ballaaran, oo maanta lagu qabanayo Garoonka Ataturk ee Magaalada Istanbul, isagoona sheegay in bannaanbaxaan uu yahay mid lagu xoojinayo taageerada Turkiga ee Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi oo dhankiisa walaac ka muujiyay xaaladda murugsan ee Gaza ayaa ka digay in colaadda ay ku ballaarato gobolka intiisa kale.

“Waxaan ka digaya in colaadda Gaza ay horseeddo in dagaalku uu ku fido gobolka oo dhan, iyada oo aan loo eegin meesha ay ka timaado.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan ka digaya in duulaanka dhulka Israel ee Gaza uu gobolku ka dhigo mid uu qarax wada saameeyo waqti dheer.”

Madaxweyne El-Sisi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo mowqifka dalkiisa, ka dib markii Jimcihii ay diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ku soo dhaceen Magaalooyinka Masar ee Taba iyo Nuweiba oo u dhow xuduudda Israel, ayna ku dhaawacmeen lix qof.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jordan, Ayman Safadi ayaa sheegay in hawlgalka dhinaca dhulka Israel ee Marinka Gaza ay xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ka dhigi doonto masiibo aan heerkeeda horey loo arag.

Boqortooyada Sacuudiga oo garowsan in Mareykanku uu Israel ku gacan siinayo duulaankeeda Gaza ayaa ugu baaqday in uu wax ka qabto carrada sii kordheysa ee shacabka gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan ayaa Sabtidan dhiggiisa Jordan, Masar iyo Morocco kala hadlay xaaladda Gaza, ka gadaal markii uu khadka teleefanka kula hadlay.

Wasiirka ayaa xubnahan kala hadlay halista sii kordheysa ee ay wajahayaan dadka reer Gaza, waxyeelada joogtada ah ee ka soo gaareysa duqaymaha Israel iyo muhiimadda ay leedahay in Beesha Caalamka ay ka ciyaarto doorkeeda ku aaddan inaanan dadka laga barakacin guryahooda.

Dhinacyadan ayaa isku afgartay in ay xoojiyaan xiriirkooda caalamka, si loo soo afjaro kororka militari ee Israel iyo sidii si macno leh gargaarka loogu gaarsiin lahaa dadka u baahan ee ku sugan Gaza.

Militariga Israel ayaa sheegay in ay bilaabayaan wejiga xigga ee hawlgalkooda Marinka Gaza, iyagoona dadka rayidka ah ugu yeeray in ay banneeyaan waqooyiga Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc