Home Dhacdooyin Dalka Jabuuti oo laga xusay sanad guurada 46aad ee aasaaska Ciidamada Qalabka Sida

Dalka Jabuuti oo laga xusay sanad guurada 46aad ee aasaaska Ciidamada Qalabka Sida

by Laacib

Waxaa maanta Jamhuuriyadda Jabuuti laga xusay sanad guurada 46aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, oo maanta oo kale sanad kasta dalkaasi laga xuso.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Jabuuti ayaa Xerada Sheekh Cismaan ee Magaalada Djibouti ku soo bandhigay dhoola-tus ay ku muujinayaan cududooda ciidan.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay Taliyaha Militariga Jabuuti, General Sakariya Sheekh Ibraahim iyo shacabka reer Jabuuti.

Dhanka kale Ciidanka Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku qabtay munaasabad ay ku xusayeen, markii la aasaasay ciidamada dalkaasi oo 46 sano laga joogo.

Munaasabaddan oo ka dhacday deegaanka Ceeljaale ee duleedka Beledweyne ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Hiilwalaal, Korneyl Xasan Jaamac Faarax, Taliyaha Qaybta 4aad ee Hawlgalka ATMIS, Korneyl Xumad Axmed Maxamed, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degmada, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Dalka Jabuuti waa dal yar oo ku yaala Geeska Afrika, waxaana lagu tiriyaa in uu ka mid yahay dalalka ugu nabdoon ee Afrika.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc