Home Wararka Caalamka Dalka Malawi oo uu ka socdo baadigoobka diyaarad uu la socday Madaxweyne Kuxigeenka oo la waayay

Dalka Malawi oo uu ka socdo baadigoobka diyaarad uu la socday Madaxweyne Kuxigeenka oo la waayay

by Laacib

Dalka Malawi ayaa waxaa ka soconaya baadigoob lagu raadinayo diyaarad uu la socday Madaxweyne Kuxigeenka dalkaasi, Saulos Chilima oo la waayay.

Madaxweyne Kuxigeenka iyo sagaal xubnood oo kale ayaa la socday diyaarad militari, ka hor inta aysan diyaaraddu lumin xiriirkii isgaarsiinta.

Madaxweyne Kuxigeenka oo ka ambabaxay Caasimadda Lilongwe ayaa ku sii jeeday Magaalada Mzuzu ee waqooyiga dalkaasi. Mzuzu ayaa qiyaastii 370Km jihada waqooyi uga beegan magaalo madaxda dalkaasi.

Hay’adda Duulista Rayidka ee dalkaasi ayaa sheegtay in diyaaradda laga waayay raadeerka tobankii subaxnimo ee Isniintii shalay, illaa iyo haddana la la’yahay.

Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka ayaa ku guul darreystay in ay helaan xiriirka diyaaradda, sida ay sheegtay dowladda dalkaasi.

Madaxweynaha Malawi, Lazarus Chakwera ayaa baajiyay safar uu ugu ambabixi lahaa Jasiiradda Bahamas, si uu ula socdo howlaha baadigoobka.

Madaxweyne Chakwera ayaa dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamkaba ugu baaqay in laga gacan siiyo gurmadka socda, si loo helo diyaaradda.

Dadaalada socda ayaa lagu doonaya in lagu gaaro halkii ay ku dambeysay diyaaradda ay leeyihiin ciidamada dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc