Home Wararka Maanta Dalxiiseyaal reer Israel oo lagu dilay dalka Masar

Dalxiiseyaal reer Israel oo lagu dilay dalka Masar

by Laacib

Warbaahinta Masar ayaa sheegtay in maanta dalxiiseyaal Israeliyiin ahaa lagu dilay dalkaasi, ka dib markii uu rasaas ku faray askari ka tirsan Booliska Masar.

Toogashada ayaa ka dhacday goob dalxiis oo ku taala Magaalada Alexandria, iyadoona uu askarigaasi dilay laba qof oo Israeliyiin ahaa.

Warbaahinta dalkaasi ayaa ku warantay in sidoo kale ay rasaastaasi haleeshay muwaadin Masaari ahaa, kaas oo u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray rasaastaasi.

Adeegga Badbaadinta ZAKA ee Israel ayaa xaqiijiyay in toogashadaasi ay galaafatay nolosha laba qof oo reer Israel ahaa.

Sarkaal Booliska ka tirsan ayaa Telefishinka Extra News u xaqiijiyay in la soo xiray askariga toogashada gaystay, isagoo intaa ku daray in uu jiro qof kale oo ku dhaawacmay rasaastii uu askarigaasi furay.

Sarkaalkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa laga soo xigtay in toogashada ay ka dhacday goobta lagu magacaabo Pompey Pillar ee Magaalada Alexandria.

Dhanka kale laba qof oo u dhashay dalka Thailand ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay koonfurta Israel, halka sideed kalena lagu dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalkaasi.

Raysal Wasaaraha Thailand, Srettha Thavisin ayaa sidoo kale sheegay in kow iyo toban qof oo u dhashay dalkaasi la afduubtay, tan iyo Sabtidii.

Xoogaga Xamaas ayaa Sabtidii weerar lama filaan ah ka gaystay koonfurta Israel, iyadoona xoogagaasi ay maalintii labaad ka dagaalamayaan halkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc