Home Wararka Caalamka David Cameron oo sheegay in la kordhin doono weerarada Xuuthiyiinta, haddii weeerarada maraakiibta sii socdaan

David Cameron oo sheegay in la kordhin doono weerarada Xuuthiyiinta, haddii weeerarada maraakiibta sii socdaan

by Laacib

David Cameron, Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain ayaa sheegay in UK ay sii wadi doonto weerarada ka dhanka ah Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen, haddii aysan ka waan-toobin weerarada maraakiibta ee marinka Badda Cas.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa Jimcihii weeraro ballaaran oo xagga cirka ah la beegsaday bartilmaameedyada Xuuthiyiinta Yemen. Labada dowladood ayaa weeraradaasi ku tilmaamay kuwo lagu joojinayo weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Sabtidii markabka dagaal ee USS Carney ee Mareykanka uu leeyahay ayaa duqeeyay Saldhigga Cirka ee Al-Dailami ee waqooyiga Magaalada Sanca

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain ayaa sheegay in London ay weeraro hor leh ka fulin karto goobaha ay Xuuthiyiinta maamulaan, haddii aysan joogsan weerarada Badda Cas.

“Britain ayaa laga yaabaa inay mar kale weerarto bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee Yemen, haddii kooxda fallaagada ay sii wadaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta ku sugan Badda Cas.” Ayuu yiri Wasiirka.

Waxa uu uga digay Xuuthiyiinta in ay la kulmi doonaan weeraro joogto ah, haddii ay sii wadaan isku dayada ay ku carqaladeynayaan marinka maraakiibta kunteenarada ee mashquulka badan.

“Hawlgalada wadajirka ah ayaa sii socon doona, si hoos loogu dhigo awoodda fallaagada ay taageerto Iran.” Ayuu yiri David Cameron oo wax ku qoray Wargeyska Sunday Telegraph.

Cameron ayaa sheegaya in weerarada lagu hayo maraakiibta ay London ku riixi doonaan inay ka falceliso.

Weerarada militari ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta ayaa uga sii dareysa xaaladda cakiran ee ka taagan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta Yemen oo mowqifkoodu uu cad yahay ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ay Badda Cas kaga joojinayaan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku wajahan dekedaheeda, inta ay Israel xasuuqa ka gaysaneyso Marinka Gaza, dadkana ay ka hortaagan tahay gargaarka naf badbaadinta ah.

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen, Danjire Hans Grundberg ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay is xakameeyaan, waxaana uu ka digay khatarta sii kordheysa ee ka jirta Bariga Dhexe.

In Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku soo biiraan dagaalka, iyadoo la difaacayo Israel ayaa lagu sheegay calaamad kale oo muujineysa, sida colaadda Gaza ay ugu fideyso gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc