Home Wararka Maanta David Cameron “Waa xagjir Israeliyiinta weerartay kolonyada gargaarka”

David Cameron “Waa xagjir Israeliyiinta weerartay kolonyada gargaarka”

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Cameron ayaa wax laga xumo ku tilmaamay weerarkii Isniintii lagu qaaday kolonyada gargaarka u siday Marinka Gaza iyo bililiqada ka dhacday deegaanka Hebron ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Israeliyiinta xagjirka ah ayaa shalay weeraray kolonyo gargaar u waday Marinka Gaza, iyagoona burburiyay sahaydii raashiinka ee ay Qaramada Midoobey qorsheynaysay in la gaarsiiyo dadka reer Gaza.

Gaadiidka gargaarka oo lagu weeraray kontoroolka Tarqumiya ee galbeedka Hebron ayaa ka yimid dhinaca dalka Jordan, waxayna ku sii jeedeen Gaza, halkaasoo dadku ay aad ugu baahan yihiin kaalmada bani’aadantinimo.

Kooxahan oo xanibay gawaarida garagarka ayaa sahaydii cunto ee saarneyd ku tuuray waddada, waxaana uu David Cameron uu kooxahaasi ku tilmaamay kuwo xagjir ah.

“Dadka reer Gaza waxay halis ugu jiraan macluul, waxayna u baahan yihiin sahayda gargaarka.” Ayuu yiri David Cameron.

David Cameron ayaa Maamulka Israel ugu baaqay inay la xisaabtamaan kooxahaasi, isla-markaana ay Tel Aviv ogolaato in gargaarka uu gaaro dadka rayidka ah.

“Israel waa inay la xisaabtanto kuwa gaystay weerarkaasi, ayna sameyso wax badan, si ay u ogolaato gargaarka.” Ayuu yiri Cameron.

Mr. Cameron ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaan welwelkayga u soo bandhigi doonnaa Dowladda Israel.”

Dhanka kale Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxaana uu Aqalka Cad uu falkaasi ku tilmaamay mid gebi ahaanba laga caroodo.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay inaanay qaadin tallaabooyin ay kaga hortaggayaan kooxihii ku qamaamay kolonyadii u rarneyd Qaramada Midoobey.

Muuqaalada qaar ayaa muujinaya in goor dambe oo fiidnimadii xalay ah dab la qabadsiiyay kolonyada qaarkood.

Israeliyiinta xoogga lagu soo dejiyay dhulka Falastiiniyiinta ayaa ka biyo diidan in gargaarka uu gaaro shacabka Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in dhaqdhaqaaqa Tzav 9 ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday gaadiidka gargaarka. Tzav 9 waa koox hubeysan oo qayb ka ah qulqulatooyinka ka dhacaya Daanta Galbeed ee ay Israel xoogga ku haysato.

Ciidamada Israel iyo Israeliyiinta mayalka adag ayaa waxaa muuqata inay hortaagan yihiin in kaalmada bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka ku nool dhulka go’doonsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc