Home Wararka Maanta Degmada Baardheere oo qarka u saaran in Webiga Jubba uu ku fataho

Degmada Baardheere oo qarka u saaran in Webiga Jubba uu ku fataho

by Laacib

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa la sheegaya in ay qarka u saaran tahay in uu ku fataho Webiga Jubba ee mara Gobolada Koonfureed qaarkood.

Wararka ayaa sheegaya in biyaha webiga ay sare u kaceen, ka dib markii roobka dayrta uu ka curtay qaybo ka mida dalka.

Qoysas fara-badan ayaa ka barakacay xaafadaha ku dhow dhow webiga jiinkiisa iyo halka uu maro toga weyn ee dhinaca ka mara magaalada, iyadoona dadku weli xusuusataan dhibaatadii ka dhalatay fataahaddii horaantii sanadkan ka dhacday magaalada.

Bishii March ayay ahayd markii 21 qof ay ku dhinteen Baardheere, ka dib markii webigu uu ku fatahay magaaladaasi iyo daadad ka dhashay roobab mahiigaan ahaa oo ka da’ay gobolkaasi.

Baardheere waxaa hadda ka socdo dadaalo lagu gufeynayo goobaha loo arko in webigu uu fatahaadda ka gaysan karo.

Nabadoon Faarax Xiirey Guhaad, Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Degmada Baardheere ayaa sheegaya in sidoo kale ay diyaargarow ka sameynayaan dhanka toga Kurmaan.

Waxa uu sheegay in toga uu ka mid ah goobaha ugu daran ee biyuhu ka soo fatahaan, ayna isku xilqaameen, sidii ay fatahaaddaasi u xakameyn lahaayeen.

“Dadka deegaanka ayaa isku tashi sameeyay oo wada diyaargarow, si loo ballaariyo togaasi oo biyuhu maraan. Marka shaqadiisu hadda way socotaa.” Ayuu yiri Nabadoon Guhaad.

Guddiga La tacaalidda Fatahaadaha Degmada Baardheere ayaa la sheegay in sanadkan ay u diyaargaroobeen si ka duwan sanadihii hore, ka dib waxyeeladii ay gaysatay fatahaaddii hore.

Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli ay isa soo tarayaan digniinaha ku aaddan in guud ahaan dalka uu wajihi karo dabeylo iyo roobab mahiigaan ah, oo sababi kara fatahaado iyo daadad.

Digniinaha ayaa muujinaya isbedel cimileed ay khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa sheegtay in khatarta ugu badan ay la kulmi karaan dadka ku nool xeebaha iyo dhulka ay webiyadu maraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc