Home Wararka Maanta Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo laga wada barakacay

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo laga wada barakacay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadkii deganaa magaalada ay ka wada barakaceen, ka dib markii ay kordheen daadadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobabka mahiigaanka ee gobolkaasi ka da’aya fatahaadaha uu sameynayo Webiga Jubba.

Qulqulka biyaha ku soo rogmaday magaalada ayaa keentay in webigu uu meelaha qaarkood jabsado, isla-markaana uu si weyn ugu fataho xaafadaha magaalada.

Daadadka iyo fatahaadaha is biirsaday ayaa dadka ku khasbay in ay isaga baxaan magaalada, xaafadihiina ay noqdaan kuwo cidlo ah.

Baaxadda biyaha ayaa ka garan kartaa in biyuhu ay gaareen heer ay ka sare maraan buundada dhex marta magaalada.

Cabdullaahi Muudey Xuseen oo ka mid ah beeraleyda reer Luuq ayaa sheegay in Luuq ay wajaheyso xaaladdii ugu darneyd, welina aysan tanoo kale arkin.

“Magaalada waxay ku jirtaa maalmihii ugu xumaa, weligeyd tan oo kale lama arkin, magaaladu saddex qaybood bay u qaybsantay.” Ayuu yiri Cabdullaahi Muudey.

Cabdullaahi Muudey ayaa yiri “Webiga oo mari jiray wareeggii S-ta ahaa ee magaalada ku soo wareegi jiray ayaa dhexda ka soo go’ay, oo webiga kale ayuu biyaha ku daray. Meesha Aargada ay dhihi jireen, illaa Cakaara ayuu webigu soo maray, oo webiga kale ayuu ku daray. Qaybta hoose way go’an tahay, garoonka diyaaradaha iyo dhankaas way go’an yihiin, dhankaan korena gooni ayay u go’day.”

Roobabka mahiigaanka ee ka da’aya Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ayaa ka dhashay duufaanka El Niño, oo iyana ay sababtay is bedelka cimilada adduunka.

Gobolada Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu sheegay in ay yihiin gobolada ay sida weyn fatahaaduhu u saameeyeen.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa sheegtay in deegaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ay yihiin meelaha ugu daran.

Hay’adda ayaa sheegtay in illaa 29 qof ay ku dhinteen daadadka iyo fatahaadaha is wata ee ka jira gobolada dalka qaarkood, isla-markaana ay roobabka dayrta ee dalka ka da’aya ay saameeyeen 850,000 oo qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc