Home Wararka Maanta Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Guddiga Siyaasadda & Ammaanka ee Midowga Yurub, Delphine Pronk iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac oo qaabilay wafdigaasi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka Qorshe Hawleedka Wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Somaliya, waxa ayna soo bandhigtay Gudoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan Ciidanka Xoogga Dalka.

“Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha bani’adanimada iyo dhaqaalaha, waxa uuna uga mahadceliyay taageeradooda ku aaddan, sidii ay Somaliya dib ugu soo kaban lahayd.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xukuumadda Federaalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Gudoomiyaha Guddiga Siyaasadda & Ammaanka ee Midowga Yurub ayaa tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardargelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Somaliya.

Waxa ayna carabka ku adkeysay in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Somaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo keliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika.

Iskaashiga Midowga Yurub iyo Somaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. iyada oo Midowga Yurub uu Somaliya ku maalgeliyay, tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 bilyan oo euro.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc