Home Wararka Maanta Delphine Pronk oo Muqdisho kula kulantay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga (SAWIRRO)

Delphine Pronk oo Muqdisho kula kulantay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Guddiga Siyaasadda & Ammaanka ee Midowga Yurub, Delphine Pronk oo Jimcihii booqasho ku timid Magaalada Muqdisho ayaa la kulantay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dhinacyada ayaa ka wada hadlay, sidii loo dardargelin lahaa tababarada ay Saraakiisha Midowga Yurub siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somaliya (EUTM) ayaa ah hawlgal gaar oo Midowga Yurub uu Somaliya kaga taageero dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, waana tababar ay bixiyaan Saraakiil ciidan, oo ka kala socda dalalka Midowga Yurub.

Dhanka kale Delphine Pronk ayaa Magaalada Muqdisho kula kulantay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, oo ay ka wada hadleen taageerada Midowga Yurub uu siiyo Booliska Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa Somaliya ka taageera dib-u-dhiska & tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, amniga, kabka maaliyadeed ee Miisaaniyadda Dowladda Federaalka iyo shuruudaha barnaamijka dayn-cafinta ee dalka.

Midowga Yurub ayaa bishii May ansixiyay dhaqaale dhan labaatan dhibic shan milyan oo euro (€20.5M), oo qayb ka ah hannaanka dowlad dhiska Somaliya iyo taageerada barnaamijka dayn-cafinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc