Home Wararka Maanta Deni “Niyad muddo kororsi naguma jiro, waan ognahay dhibka uu leeyahay”

Deni “Niyad muddo kororsi naguma jiro, waan ognahay dhibka uu leeyahay”

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in doorashada uu xilligeeda ku qabto.

Madaxweynaha oo xalay la hadlay shacabka reer Puntland ayaa sheegay inaanay diyaar u ahayn inay sameeyaan muddo kororsi, Puntland-na ay aadi doonto sida uu yiri doorasho qof iyo cod ah oo nidaamka axsaabta badan.

“Waxaan dadka reer Puntland cod dheer ugu sheegaya dowladdan aan madaxda ka ahay, waxay diyaar u tahay inay doorashada xilligeeda ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibka uu leeyahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa dadka reer Puntland mar dambe inaanan lagu beerlaxowsan, Madaxweynuhu ma hadlaa la yiriyee maantaa idiin la hadlay.”

Madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xariiqay in uu diyaar u yahay in mar kale uu u tartamo Doorashada Madaxtinimada Puntland, iyadoo markaan lagu tartamayo nidaamka axsaabta badan.

“Waxaan diyaar u ahay tartan, waxaan diyaar u ahay tartan iyo inaanan dadkayga u shaqeeyo, waxaana rabaa 8-da January in doorasho la galo axsaabta reer Puntland leeyahay, sharcigana la dhawro.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaan soo dhaweynaya xisbiyada buuxiyay shuruudaha oo xisbiga noqday, waxaana rajeynaya in la isku ixtiraamo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo intaa raaciyay “Waxaan rajeynaya Puntland iyo Soomaaliyaba inay iska ilaawaan in dadka bani’aadamka ah wuxuusan rabin lagu jujuubo ee loo ogolaado inay masiirkooda iyo aayahooda ka taliyaan.”

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo kala aragti duwanaanshaha, oo sida uu sheegay saldhig u ah hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dimoqraadiyadda.

Puntland ayaa muddo 25 sano ah ku taameysay, sidii ay deegaanadeeda uga hirgelin lahayd nidaamka dimoqraadiga ee xisbiyada siyaasadeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc