Home Wararka Maanta Deni oo furay Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Puntland (SAWIRRO)

Deni oo furay Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Puntland (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta Magaalada Garoowe ka furay Kalfadhiga 52aad ee Baarlamaanka Puntland, ka dib markii Xildhibaanada ay ka soo laabteen fasax ay ku maqnaayeen.

Kalfadhigan ayaa noqonaya kiisii ugu dambeeyay ee muddo xileedka Baarlamaanka Puntland, oo waqtigiisu ku egyahay bisha December ee sanadkan.

Madaxweynaha oo Xildhibaanada u jeeediyay khudbaddiisa dastuuriga ah ayaa golaha la wadaagay horumarada laga gaaray amniga, dimoqraadiyadda iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa bilowgiiba cambaareeyay weerarkii xalay ay kooxo hubeysan Magaalada Garoowe ugu gaysteen Xildhibaan Cabdiqani Nuur Aw-Faarax (Dhaashane) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaa oo jirdilay Xildhibaanka.

Madaxweynaha ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ugub ah, isagoona laamaha amniga faray inay si dhab ah u baaraan, sharcigana la horkeeno kuwii ka dambeeyay.

Madaxweynaha oo soo hadalqaaday doorashadii codka iyo qofka Goleyaasha Deegaanka ee 25-kii bishii May ka qabsoomtay 30 ka mid degmooyinka Puntland ayaa ku tilmaamay riyo u rumowday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.

“Doorashooyinka ka dhacay Puntland waxay baal cusub u fureen tubta dowlad dhiska Soomaaliyeed, waxayna soo jiiteen indhaha Beesha Caalamka, oo arkay in dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan hannaanka doorashooyinka dimoqraadiga ah, haddii ay helaan madax ay ka go’an tahay in talada ka qaybgeliyaan shacabka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa xusid mudan, inkastoo ay jiraan duruufo dhaqaale iyo kuwo amni, gaar ahaan xaaladda dagaalka Laascaanood inay dowladdu u babac-dhigtay hirgelinta hannaanka doorashada hal qof iyo hal cod, si dadka taladooda dib looga qaybgeliyo, ayna si dimoqraadi ah uga tashadaan aayahooda, si xor ahna u soo doortaan madaxdooda siyaasadeed ee mustaqbalka dhow.”

Waxa kaloo uu yiri “Sidaad la socotaan, ka dib markii maxkamadda ay soo saarto go’aanka kama dambeysta ah ee natiijada doorashooyinka, Puntland waxay markii ugu horreysay yeelaneysaa xisbiyo siyaasadeed, oo si sharci ah u hoggaamiya talada siyaasadeed ee mustaqbalka Puntland.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin in saddexdii degmo ee Gobolka Nugaal aanay ka qabsoomin doorashadii Goleyaasha Deegaanka ay doorashadu uga qabsoomto si dhakhsa ah, si shacabka ku dhaqan Garoowe, Dangoronyo iyo Godob-jiiraan ay si dimoqraadi ah u soo doortaan Goleyaashooda Deegaanka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo cid kasta oo tabar iyo talo ku biirineysa geeddi-socodka dimoqraadiyadda Puntland, waxaana rabaa buu yiri in siyaasiyiinta bannaanka jooga ah ay ku biiraan xisbiyada siyaasadeed ee Puntland, si ay aragtidooda uga dhiibtaan fagaarayaasha ku habboon.

Furitaanka Kalfadhiga 52aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Labadiisa Kuxigeen, Golaha Garsoorka Puntland, Senataro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Ururada Bulshada iyo marti sharaf kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc