Home Wararka Maanta DF iyo dowladaha deriska oo isku raacay in la ballaariyo hawlgalka (SAWIRRO)

DF iyo dowladaha deriska oo isku raacay in la ballaariyo hawlgalka (SAWIRRO)

by Laacib

Dowladda Federaalka, dowladaha safka hore iyo Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS) ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashigooda ku aaddan hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Hawlgalka Isku Dhafka, General Maxamed Cali Bariise, Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, Taliyaha Ciidanka ATMIS, General Sam Okiding iyo Saraakiil ka socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa Axaddii shir ku yeeshay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa daarnaa, sidii dhinacyadu ay u xoojin lahaayeen iskaashiga ay ka leeyihiin dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Dowladda Federaalka iyo dowladaha deriska ayaa bishii February ku heshiiyay in la qaado weerar ballaaran oo maleeshiyadaasi lagaga saarayo dalka. Heshiiska ayaa lagu gaaray shir madaxeed uu martigeliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka qaybgaleen Madaxda Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Shirka Axaddii ayaa la isku afgartay in la xoojiyo xog-wadaagga, qorsheynta wadajirka ah iyo isku-dubaridka dhammaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab ee gudaha iyo dibadda Somaliya.

“Amniga Somaliya maanta wuxuu saameyn xun ku yeelan karaa Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda, sidaa darteed waxaan ku heshiinay inaan xoojino isku-dubaridkeenna.” Ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika ee dalka.

“Waxaa la joogaa waqtigii ku habboonaa hawlgalka, ujeedka ugu weyn ee Hawlgalka Libaax Madow (Black Lion Operation) waa in Al Shabaab la gaarsiiyo heer aysan dhibaato ku keeni karin dowladnimada iyo deegaanka.” Ayuu yiri General Bariise.

General Bariise ayaa horey loogu magacaabay inuu hoggaamiyo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaan diyaar u nahay inaan gacan siino marka loo baahdo, waxaan dhawaan qaban doonnaa shir kale oo aan ku eegayno tafaasiisha qorshaha oo dhan. Waxaas oo dhan waxaan u sameynaynaa, si aan u xaqiijinno in walaalaheen Somaliya ay si buuxda u qaataan masuuliyadda amniga dalka.” Ayuu yiri Taliyaha ATMIS.

Dalalka safka hore ayaa la filayaa in ciidamo cusub u soo diraan dalka, si ay uga qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka lagu xoreynayo dhulka ay Shabaabku ka arrimiyaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc