Home Wararka Maanta DF oo sheegtay in la xakameeyay weeraradii Shabaab ee Magaalada Muqdisho

DF oo sheegtay in la xakameeyay weeraradii Shabaab ee Magaalada Muqdisho

by Laacib

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa warbixin xog uruurin ah oo ay soo bandhigtay ku sheegtay in weeraradii Magaalada Muqdisho ay hoos u dhaceen isku celcelis ahaan qiyaastii boqolkiiba 70-72.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 5-tii bilood ee la soo dhaafay ay si weyn hoos ugu dhaceen weeraradii maleeshiyada Al Shabaab ka gaysan jireen magaalada.

“Is bedel la taaban karo ayaa caasimadda ka dhacay shantii bilood ee la soo dhaafay. Waxaa hoos u dhac ku yimid falalkii khawaarijta argagixisada (Al Shabaab) la baxday ay caasimadda ka fulin jirtay 70%, sida qaraxyada ismiidaaminta, kuwa gaadiidka lagu xiro, dilalka gaadmada iyo tuurista walxaha qarxa. Sidoo kale waxaa yaraaday dilalkii waddooyinka ka dhici jiray ee ay askarta dowladda iyo maleeshiyada aan la aqoonin ku kici jireen. Inta badan falalka noocaan ah waxaa dhibane u ahaa shacabka waddooyinka mari jiray.” Ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Intaas waxaa dheer waxaa meesha si toos ah uga baxay kooxo ‘ciyaal weero’ la baxay oo falal dembiyo abaabulan ah ka samayn jiray caasimadda.

Sida ku cad xogta laamaha amnigu uruuriyeen shantii bilood ee u dambeysay waxaa hoos u dhac xoog leh ku yimid falalka argagixisada Al Shabaab ay ka gaysan jireen Magaalada Muqdisho 72%, halka si guud dembiyada kala duwan ay 56% hoos u dhac ugu yimid.”

Wasaarada Amniga ayaa sheegtay in tani ay ku timid Dowladda Federaalka oo wax ka weyn ka bedeshay hannaankii ay ciidamada amniga ku sugi jireen amniga magaalada iyo hay’adaha ammaanka oo magaalada ka dhaqangeliyay qorshihii xukuumadda ee loogu magac-daray (Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda), ee magaalada lagaga mamnuucayay in lagu dhex qaato qoryaha waaweyn iyo gaadiidka dagaalka.

“Waxaana soo qabanay in ka badan 30 qori iyo gaadiid buufsan oo loo ekeysiiyay kuwa dowladda, waana sii wadaynaa hawlgalada.” Ayaa warbixinta lagu sheegay hadal laga soo xigtay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin.

Wasaaradda ayaa warbixinteedan ku soo bandhigtay warbixin hadda ka dib bishiiba mar soo bixi doonto oo loogu magac-daray (Warsidaha Amni).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc