Home Wararka Caalamka Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Israel oo maanta ka bilaabaneysa Maxkamadda ICJ

Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Israel oo maanta ka bilaabaneysa Maxkamadda ICJ

by Laacib

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa lagu wadaa in maanta ay bilowdo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Israel, ee ay maxkamadda u soo gudbisay Dowladda Koonfur Afrika.

Koonfur Afrika ayaa 29-kii bishii December maxkamadda u gudbisay dacwaddaasi, oo la xiriirta xasuuqa ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Kiiska dacwadda ayaa lagu xusay in Israel ay dabeecad ka dhigatay ficiladeeda xun xun, ayna weli ku howlan tahay burburinta Gaza.

Maxkamadda ayaa maanta illaa berrito dhageysan doonta dacwadda, iyadoo qareenada ka socda dhinaca Koonfur Afrika ay maxkamadda horgayn doonaan caddeymahooda ku aaddan dembiyada dagaal ee Israel ka gaysatay Gaza. Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysan doonta doodaha qareenada Israel.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa waxaa lagu dilay 23,357 qof oo dad rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 59,410 kale. Dhibaneyaasha ayaana u badan carruur iyo haween.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa dooneysa in Israel lagu la xisaabtamo dhiigga ay gacmaha kula jirto.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo lagu magacaabo Eylon Levy ayaa sheegay in Israel ay iska difaaci doonto eedeymaha loo haysto, sida uu yiri.

Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in dacwadda Koonfur Afrika ay tahay mid si taxadar leh loo diyaariyay, ayna dhibaato ku noqon doonto doodaha ay Israel isku difaaci karto.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah waa midda ugu sarreysa Qaramada Midoobey, marka ay noqoto dhinaca sharciga ee caddaalad helidda, waana Maxkamadda ICJ oo go’aan ka gaarta khilaafaadka soo kala dhex gala dowladaha.

Maxkamadda ICJ ayaa go’aanada ay gaarto waxaa fuliya oo meelmariya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Maxkamaddan ayuuna fadhigeedu yahay Magaalada The Hague ee dalkaasi Netherlands.

Koonfur Afrika iyo Israel ayaa ka mid ah dalalka saxiixay axdiga mamnuucaya xasuuqa.

Israel ayaa tobanaan sano ka hor saxiixday axdiga ka hortagga xasuuqa, iyadoo ka duuleysa xasuuqii uu Hoggaamiyihii Naasigii Jarmalka, Adolf Hitler u gaystay Yahuudda.

Axdiga ka hortagga iyo ciqaabta dembiga xasuuqa waxaa ansixiyay 153 dalka.

Maamulka Israel oo lagu tilmaamo mid aan u hoggaansamin shuruucda caalamiga ah ayaa dhalleeceyn kara go’aan kasta oo ka dhan ah oo maxkamadda ka soo baxa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc