Home Wararka Maanta Dharcadka laga hawlgaliyay Muqdisho oo door weyn ka qaadanaya amniga soo hagaagaya

Dharcadka laga hawlgaliyay Muqdisho oo door weyn ka qaadanaya amniga soo hagaagaya

by Laacib

Tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa la fahamsan yahay in ay diiwaangelisay dadkii ugu badnaa ee loo qoro amaba ka mid noqda Ciidanka Dharcadka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Tani ayaa qayb ka ah dadaalada ay Dowladda Federaalka ku dooneyso in ay ku xaqiijiso ammaanka Caasimadda Muqdisho.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay qoratay dhowr kun oo ciidan qarsoon ah, kuwaa oo si joogto ah uga hawlgala 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoona ay hay’addu u muuqato mid weli shaqaaleysiinaysa dad hor leh.

Dadka loo qaadanayo Ciidanka Dharcadka ayaa ah kuwo la soo xulay, waana kuwo isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan, oo rag iyo dumarba leh.

Xoogaga Dharcadka oo u badan kuwo aan hubeysnayn ayaa laamaha amniga kala shaqeynaya, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnaha lala xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab, ee sida qarsoodiga ah ku soo gala magaalada.

Xoogagan ayaa ku kala daadsan suuqyada iyo goobaha bulshada isugu timaado, qaarkoodna waxaa la leeyahay ma soo dhaafaan xaafadaha, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa dadka ku soo kordha, si lagaga hortaggo kuwa loo arko in ay khatarta ku yihiin nolosha bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay labadii bilood ee ugu dambeysay kordhiyeen hawlgalada lagu bartilmaameedsanayo xubnaha lagu tuhunsan yahay Shabaabnimada, isla-markaana ay jiraan dad inta wax caddeymo ahi lagu waayay dib la isaga sii daayay.

Tan iyo bartamihii bishii Ramadan, amniga Muqdisho ayaa u muuqda mid ka soo reynaya.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa amniga magaalada ku wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.

4-tii bishan, Shirkii Golaha Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay warbixin sheegeysa in boqolkiiba toddobaatan (70%) hoos loo dhigay weeraradii maleeshiyada Shabaabka ka gaysanayeen dalka.

Si kastaba ha-ahaatee waxyaabaha ugu muhiimsan ee illaa iyo hadda ka fulay ballanqaadyadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u doorashadiisii ka dib ayaa waxaa kow ka ah xaaladda amni ee Muqdisho oo soo hagaageysa iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, oo horaan si dardar leh uga bilowday qaybo ka mida gobolada dalka, dhul ballaarana ay kula wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidamada Dowlad Goboleedyada qaarkood iyo dadka deegaanka.

Shabaabka ayaa lagu tilmaamaa caqabadda ugu weyn ee maanta horgudban amniga dalka, bacdamaa ay ka biyo diidan yihiin jiritaanka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah iyo joogitaanka dalka ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc