Home Wararka Caalamka Dhibaato kale oo la soo deristay dadka reer Gaza

Dhibaato kale oo la soo deristay dadka reer Gaza

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay cimilada qabow iyo roobabka haatan ka da’aya Marinka Gaza, iyada oo sheegtay inay uga sii darayaan xaaladda murugsan ee markii horeba ka jirtay dhulka go’doonsan.

Madaxa Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Falastiiniyiinta, Ajith Sunghay ayaa sheegay in cimilada qabow iyo roobabka isbiirsaday ay Gaza ka dhigayaan meel aan gebi ahaanba lagu noolaan karin, marka aad eegto go’doominta lagu hayo iyo duqaymaha joogtada ah ee ka sii socda.

“Waxaan aad uga walaacsanahay saamaynta roobabka iyo cimilada qabow ee Gaza.” Ayuu yiri Ajith Sunghay.

Ajith Sunghay ayaa yiri “Waxay ahayd in horey loo sii saadaaliyo marxaladdan. Inta badan dadku ma haystaan dhar iyo bustayaal, waxayna halis ugu jiraan xaalad nadaafad darro ah.”

Inkastoo inta badan dadka reer Gaza ay guryahooda uga barakaceen weerarada baahsan ee Israel, haddana waxaa jira dad kale oo haatan ku barakacaya cimilada sii xumaaneysa.

Dad badan oo is dulsaar ku ah guryo ciriiri ah oo ay ku nool yihin ayaa halis ugu jira cuduro, cunto yari, biyo iyo dawo la’aan.

Ololaha militari ee Israel iyo ciqaab wadareedka ka dhanka ah dadka rayidka ayay Saraakiisha Qaramada Midoobey ku sheegeen wax u dhigma dembi dagaal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc