Home Wararka Maanta Dibadbax lagu taageerayo hawlgalka Gobolada Dhexe oo ka dhacay Baxdo (SAWIRRO)

Dibadbax lagu taageerayo hawlgalka Gobolada Dhexe oo ka dhacay Baxdo (SAWIRRO)

by Laacib

Shacabka ku dhaqan Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta degmadaasi ka dhigay bannaanbax lagu taageerayo hawlgalka militari ee maalin ka hor ka bilowday Gobolada Dhexe.

Dibadbaxayaasha oo socod ku soo maray bartamaha magaalada ayaa markii dambe isugu yimid barxadda Masjid Jaamaca Baxdo.

Didbaxayaasha oo ku qaylinayay ereyo lagu taageerayo hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug ayaa sidoo kale watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo lagu dhiirigelinayo dagaalka.

Sheekh Muuse Axmed oo ka mid ah xubnihii bannaanbaxayaasha la hadlay ayaa isagoo ku hadlaya afka culimada deegaanka u mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo uu ku ammaanay doorkooda hoggaamineed ee la dagaalanka Al Shabaab.

Sheekh Muuse Axmed ayaa ku baaqay inaanan loo kala harin dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada.

Gudoomiyaha Degmada Baxdo, Maxamed Cabdullaahi Muuse ayaa isna sheegay in reer Baxdo ay si weyn u taageersan yihiin wejiga labaad ee hawlgalka ka bilowday dalka.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa amniga Baxdo ayaa si weyn u adkeeyay amniga magaalada, intii uu dibadbaxaasi ka socday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc