Home Wararka Caalamka Dibadbaxayaal gubay Safaaradda Sweden ee dalka Iraq (SAWIRRO)

Dibadbaxayaal gubay Safaaradda Sweden ee dalka Iraq (SAWIRRO)

by Laacib

Boqolaal qof oo dibadbaxayaal ah ayaa saaka xoog ku galay Dhismaha Safaaradda Sweden ee dalka Iraq, iyagoona dab qabadsiiyay Xarunta Safaaradda.

Safaaradda oo ku taala Bartamaha Magaalada Baghdad ayaa waxaa la arkayay qiiq ka kacaya Dhismaha Safaaradda. Ciidamada amniga oo mar dambe ku baxay ayaa baqtiiyay dabkaasi.

Dowladda Ciraaq ayaa cambaareysay falka lagu gubay Safaaradda Sweden ee Caasimadda Baghdad, iyadoona hay’adaha ammaanka fartay in ay baaraan kuwii ka masuulka ahaa.

“Dowladda Iraq waxay ku amartay laamaha amniga inay baaritaan degdeg ahi ku sameeyaan, isla-markaana ay qaadaan tallaabo kasta oo ku aaddan xaaladda shilkan iyo in la ogaado ciddii ka dambeysay.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraq.

Dibadbaxayaasha ayaa ka careysan ogolaansho ay mar kale Booliska Sweden bixiyeen, oo sida la sheegay maanta lagu wado in lagu gubo Kitaabka Quraanka Kariimka iyo Calanka Iraq.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ayaa bayaan ay soo saartay lagu cambaareeyay tallaabada dabka lagu qabadsiiyay Safaaradooda Baghdad.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dhammaan Shaqaalaha Safaaradda ay badqabaan, iyadoo Stockholm ay ku baaqday in Iraq ay masuuliyad iska saarto amniga Safaaradda.

Dibadbaxayaasha ayaa la sheegay inay yihiin taageereyaasha Wadaadka Shiicada Iraq ee Muqtada al-Sadr, waana weerarkii labaad ee Safaaradda lagu qaado, tan iyo markii Kitaabka Quraanka Kariimka 28-kii bishii June lagu gubay afaafka hore Masaajid ku yaala Magaalada Stockholm.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc