Home Wararka Caalamka Dibadbaxayaal weeraray Safaaraddii Faransiiska ee Niger

Dibadbaxayaal weeraray Safaaraddii Faransiiska ee Niger

by Laacib

Taageereyaasha Ciidamada Militariga ee afgembiga kula wareegay talada dalkaasi ayaa gelinkii dambe ee Axaddii weeraray Dhismaha Safaaradda Faransiiska ee Magaalada Niamey.

Kumanaan qof oo ka mid ah taageereyaasha Ciidamada Militariga ayaa socod ku soo maray waddooyinka caasimadda, iyaga oo ku qaylinaya Faransiiska ‘ha dhaco’, isla-markaana wata Calanka Ruushka, iyagoona Moscow u arka bedel ka wanaagsan Paris.

Dibadbaxayaasha oo ku hor bannaanbaxay Safaaradda ayaa la sheegay in markii dambe ay xoog ku jabsadeen mid ka mida albaabada Safaaradda, dabna ay qabadsiiyeen. Ciidamada amniga oo goobtaasi gaaray ayaa kala eryay dibadbaxayaasha.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa sheegay inaanan loo dulqaadin karin weerarka ka dhanka ah Safaaradda iyo danahooda gobolka.

Madaxweyne Macron ayaa ku hanjabay in cid kasta oo weerarta muwaadiniinta Faransiiska ay la kulmi doonaan jawaab degdeg ah, sida uu yiri.

Militariga ayaa Arbacadii xilka ka tuuray Madaxweynihii keliya dalkaasi ee sida dimoqraadiga ah lagu soo doortay, Mohamed Bazoum.

General Abdourahmane Tchiani (Omar) ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha dalka, ka dib markii uu sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Bazoum.

Madaxweyne Bazoum ayaa ahaa saaxiib muhiim ah oo Reer Galbeedku ku lahaayeen gobolka, isaga oo si weyn uga la shaqeeyay qorsheyaasha ay ku xakameynayaan faafitaanka dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta ee Afrikada Galbeed.

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa Niger la leh iskaashi militari oo xoogan, waxaana uu xiriirkoodu xoogeystay, ka dib dhacdooyinkii dhawaanahaan hareeyay dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Horaan, Ciidamadii Faransiiska ee ka hawlgalayay dalka Mali ayaa lagu amray in ay dalka isaga baxaan, iyadoo amarkaasi mid ah la duldhigay Ciidamada Qaramada Midoobey ka jooga dalkaasi. Mali ayaa hadda xiriir dhow la leh Moscow iyo kooxda calooshaad u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagnger oo bedelay Ciidamadii Faransiiska ee dalka isaga baxay.

Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa goor dambe oo Axaddii ah shaaciyay in ay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Niger. ECOWAS ayaa ku goodisay in ay cudud militari adeegsan doonto, haddii Taliska Militarigu aanu muddo toddobaad ah ku soo celin Dowladdii Madaxweyne Bazoum.

Midowga Afrika ayaa 15 cisho u qabtay militariga, si ay talada dalka dib ugu soo celiyaan dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in sii wadidaa iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha ee Mareykanka kala dhaxeeya dalkaasi uu ku xiran yahay sii deynta Bazoum, oo tan iyo Arbacadii ku jira xabsi guri iyo in si degdeg ah loo soo celiyo nidaamka dimoqraadiyadda ee dalkaasi.

Dalkan oo horey uu Faransiiska u soo gumeystay ayaa loo arkayay saaxiibkii ugu dambeeyay ee la isku halayn karo ee ay Reer Galbeedka ku lahaayeen Afrikada Galbeed, isla-markaana la dagaalama Jihaadiyiinta Gobolka Saaxil ee Afrika.

Isbahaysiga NATO ayaa ka baqdin qaba in xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ay ku fidaan Niger, inkastoo Taliska Militariga aanay kala caddayn inay doonayaan in ay xulafo la noqdaan Moscow iyo in kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc