Home Dhacdooyin Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka oo ku burburtay koonfurta Japan

Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka oo ku burburtay koonfurta Japan

by Laacib

Diyaaraddan oo nooceedu uu ahaa CV-22 Osprey ayaa maanta ku burburtay xeebaha koonfureed ee dalka Japan.

Diyaaraddan oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa ku burburtay meel ku dhow Jasiiradda Yakushima, iyadoo ay la socdeen sideed shaqaale.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ka ambabaxday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Iwakuni ee Gobolka Yamaguchi, isla-markaana ay ku sii jeedday Saldhigga Kadena ee Jasiiradda Okinawa.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in motoorka bidix ee diyaaradda uu u muuqday mid gubanaya, ka hor inta aanay ku burburin meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Yakushima.

Wakaaladda Wararka Japan ee NHK ayaa ku warantay in doomo ay la socdeen kalluumeysato ay ku soo raaceen goobta ay diyaaradda ku dhacday.

Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Japan, Kazuo Ogawa ayaa sheegay in ay heleen meydka mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda, isla-markaana aysan sheegi karin xaaladda shaqaalihii kale ee diyaaradda, balse ay wadaan hawlgalo lagu baadigoobayo xubnahaasi.

Taliska Ilaalada Xeebaha Japan ayaa sheegay in ay wicitaan degdeg ah galabnimadii Arbacada ka heleen dooni ku sugneyd aagga uu shilku ka dhacay, ka hor inta aysan ciidamadooda goobtaasi gaarin.

Xoghayaha Golaha Wasiirada Japan, Hirokazu Matsuno ayaa sheegay in diyaaradda laga waayay raadaarka 2:40pm, xilliga maxaliga ah.

Maamulka Gobolka Kagoshima ayaa mar dambe sheegay in diyaaradda Osprey ay la socotay diyaarad kale oo noocaan ah, taasoo si nabad ah ugu degtay Jasiiradda Yakushima.

Saraakiil ka tirsan Militariga Mareykanka ee ku sugan gobolka ayaa sheegay in ay uruurinayaan xogta, waxa sababay burburka diyaaradda.

Diyaaradda Osprey ayaa ah diyaarad u kacda, una soo degta sida Helicopter-ka oo kale, balse xilliga duulimaadka waa mid ka dheereysa Helicopterada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc