Home Wararka Maanta Diyaarad garaacday Shabaab weerar qorsheynayay

Diyaarad garaacday Shabaab weerar qorsheynayay

by Laacib

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya duqayn xoogan oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacday Bariga Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay bartilmaameedsatay goob ay isku uruursanayeen maleeshiyada Al Shabaab, oo ku taala miyiga deegaanka Ceel La-helay. Ceel La-helay oo toddobaadkii hore laga saaray maleeshiyadaasi ayaa ku taala waddada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqayntu ay ka dhacday aagga tuulada Oodweyn, oo qiyaastii 7km u jirta deegaanka Ceel La-helay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jug is xigxigtay iyo dab xoogan oo ka kacay goob loo garan ogyahay in Shabaabku degan yihiin.

Sidoo kale saacadihii dambe ee Arbacadii ayaa la arkayay diyaarado nooca qumaatiga u kaca uu dul wareegaya aagga ay wax ka dhaceen.

Ma cadda khasaaraha maleeshiyada Al Shabaab ka soo gaaray duqayntaasi. Dadka deegaanka ayaase sheegaya inay wararka ku helayaan in duqayntu ay waxyeelo buuran ka soo gaartay maleeshiyadaasi.

Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ayaan weli ka hadlin duqayntan ugu dambeysay.

Duqayntan ayaa daba socoto weerar kale oo dhanka cirka ah oo ka dhacay tuulooyin ku dhow dhow deegaanada Wabxo iyo Ceelgaras, oo hoostagga Magaalada Ceelbuur.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu dilay 30 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, lagana hortagay weeraro ay maleygayeen.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa gacan ka gaysanaya hawlgalka militari ee ka socda Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc