Home Wararka Caalamka Diyaaradaha dagaalka Israel oo garaacay Garoomada Diyaaradaha ee Damascus iyo Aleppo

Diyaaradaha dagaalka Israel oo garaacay Garoomada Diyaaradaha ee Damascus iyo Aleppo

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta duqaymo xoogan ka gaystay Garoomada Diyaaradaha ee Magaalooyinka Damascus iyo Aleppo ee dalkaasi Syria.

Wakaaladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in weerarada cirka ee Israel ee ka dhacay Garoonka Caasimadda Damascus ay sababeen dhimashada shaqaale rayid ah, oo ka shaqeynayay garoonkaasi iyo dhaawaca mid kale.

“Duqaynta ayay waxyeelo ka soo gaartay dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee garoomada la duqeeyay, tani oo keentay in shaqadii garoomadaasi ay istaaggaan.” Ayay ku warantay SANA.

Duulimaadyadii ayaa loo weeciyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Latakia, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaadiidka Syria.

Israel ayaan weli ka hadlin hawlgalka dhinaca cirka ee ay ka gaysatay Syria, balse Tel Aviv ayaa ka walaacsan in Iran ay ka faa’iideysan karto garoomada dalkaasi, si ay uga dejiso agab militari oo ay ku deeqayso kooxaha ay taageerto ee ka hawlgala dalalka Syria iyo Lebanon.

Waa duqayntii labaad ee Israel ka gaysato gudaha Syria, wax ka yar muddo laba toddobaad ah.

Israel ayaa horey sidaan oo kale u beegsatay garoomadaasi, iyadoona duqaymahaasi ay hakad ku keeneen howlihii duulimaad ee labadaasi garoon, waana markii labaad oo duqayn isku waqti ahi laga gaysto garoomadaasi, tan iyo markii Israel ay bilowday duqaymaheeda baahsan ee Gaza, ka dib weerarkii uu dhiigga badani ku daatay ee Xamaas 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc