Home Wararka Maanta Diyaaradaha dagaalka oo dhuunta u galay Shabaabka Gobolada Dhexe

Diyaaradaha dagaalka oo dhuunta u galay Shabaabka Gobolada Dhexe

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay sii wadaan weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka hawlgala Gobolada Dhexe.

Diyaaradaha dagaalka oo dhanka hawada ka taageeraya Ciidanka Xoogaga Dalka iyo kuwa deegaanka ee hawlgalka ka wada Gobolka Galgaduud ayaa garaacaya bartilmaameedyo ku yaala qaybo ka mida goobaha ay maleeshiyadu kaga sugan tahay gobolkaasi.

Wararku waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga ay maalmihii ugu dambeysay duqaynta ugu badan ka fuliyeen Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Diyaaradaha ayaa la sheegaya in ay beegsanayaan goob kasta oo la soo sheego in dhaqdhaqaaq ka wadaan maleeshiyada Shabaabka, xitaa marka ay noqoto dhanka Gobolada Koonfureed.

Gobolka Galgaduud oo kale dhulka miyiga iyo hawdka ay ciidamada ku baahayaan ayaa waxaa jira duqaymo si is daba joog ah looga fuliyo, isla-markaana aanay Warbaahintu sheegin, xitaa tan Dowladda Federaalka.

Weerarada cirka ayaa la sheegay in ay xakameeyeen dhaqdaqaaqyadii maleeshiyada, taas oo ciidamada fursad u siineysa in ay si mug leh isugu fidiyaan dhulka la doonayo in laga sifeeyo kooxaha argagixisada.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Shabaabka Gobolada Dhexe ay ka cabanayaan duqaymaha iyo guuxa diyaaradaha ee sida joogtada ah u dul wareegaya deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale tani ayaa la sheegaya in ay qalqal xoog leh ku hayso Shabaabka difaaca adag kaga jira deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne, oo ay ka difaacayaan Ceelbuur iyo Galhareeri.

Cowsweyne iyo Wabxo waxay bilow u yihiin gulufka la maagan yahay in lagu soo xero geliyo labadaasi magaalo, oo Shabaabka hubeysani ay muddo dheer ka arriminayeen.

General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shacabka ugu baaqay in iyaga, carruurtooda iyo xoolahooduba ay ka fogaadaan dhulka ay ku sugan yihiin Shabaabka la doon-doonayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku goodiyay in dowladdiisu ay maleeshiyada Al Shabaab ka dhigi doonto kuwo beylah ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc