Home Wararka Caalamka Diyaarado dagaal oo weeraray Magaalada Damascus

Diyaarado dagaal oo weeraray Magaalada Damascus

by Laacib

Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay Israel ayaa maanta duqayn ka gaystay Magaalada Damascus ee dalkaasi Suuriya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo xoogan, iyadoona uu weerarka u muuqday mid kale oo Suuriya kaga yimid dibadda.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qarax weyn laga maqlay xaafadda Mazzeh, isla-markaana uu bartilmaameedku ahaa halka lagu magacaabo Western Villas.

Xaafadda Mazzeh ayaa ah goobtii Israel ay 20-kii bishii January ka gaysatay duqaynta ay ku dishay 5 ka tirsan La taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran, ka dib markii lagu beegsaday dhisme ay ku sugnaayeen.

Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa ku warantay in diyaaradaha dagaalka Israel ay Jimcahan soo weerareen magaalada.

SANA ayaa sheegtay in nidaamka difaaca hawada Suuriya ay soo rideen laba ka mid ah diyaaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ku sugnaa dhanka galbeed ee magaalada.

SANA oo soo xiganeysa ilo militari ayaa xustay in diyaaradahaasi ay weerarka ka soo qaadeen jihada Buuraha Golan ee ay Israel xoogga uga haysato Suuriya.

Ma jirto cid faah faahin ah ka bixisay duqaymahaasi iyo haddii ay waxyeelo gaysteen.

Israel oo tan iyo bishii December kordhisay duqaymaha ay ka gaysaneyso Caasimadda Damascus ayaa lagu dilay nus daraasiin ka mid ah Ilaalada Kacaanka Iran, oo uu ku jiro jeneraal sare.

General Sayyed Razi Mousav ayaa lagu dilay duqayn xagga cirka ah oo 25-kii bishii December ka dhacday Damascus.

Jananka ayaa qaabilsanaa iskudubaridka isbahaysiga militari ee u dhaxeeya Iran iyo Suuriya, waana qayb muhiim oo ka mid ah shabakadaha gobolka ee Iran taageerto ee loo yaqaano (dhidibka iska caabinta).

Duqayntan ugu dambeysay ayaa imaanaysa, xilli ay sii kordheyso baqdinta laga qabo kororka colaadda Gaza iyo inay ku baahdo Gobolka Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc