Home Wararka Maanta Doorashada Madaxtinimada Puntland oo maanta ka dhaceysa Garoowe

Doorashada Madaxtinimada Puntland oo maanta ka dhaceysa Garoowe

by Laacib

Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa lagu wadaa in maanta ay ka qabsoomto Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Doorashadan ayaa lagu soo dooran doonnaa Madaxweynaha xigga ee Puntland iyo Madaxweyne Kuxigeenka, 5-ta sano ee soo socota.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa dooran doona Madaxweynaha soo socda iyo Kuxigeenkiisa.

Kow iyo toban musharax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha, kuwaa oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), Xasan Shire Abgaal, Cali Xaaji Warsame, Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) iyo Axmed Ciise Cawad.

Dhanka kale ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona la hakiyay isu socodkii gaadiidka ee magaaladaasi.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa boqolalaal askari soo dhoobay waddooyinka soo gala Xarunta Baarlamaanka ee Garoowe, oo loo asteeyay in lagu soo doorto madaxda.

Ciidamada oo xiray waddooyinkaasi ayaa u diidaya in ay adeegsadaan dadka shacabka ah ee waddada lugeynaya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc